Halkee ayuu XASAN SHEEKH ku wajahan yahay booqashadiisa MUQDISHO kadib?

Muqdisho (Caasimada Online)-Sida aan wararkeena hore ku sheegnay waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaaray ex madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud oo waayadan ahaa dibad joog.

Xasan Sheekh oo ka hadlay imaanshihiisa magaalada Muqdisho ayaa sheegay inuu la xiriiro indha indheynta xaalada dalka iyo siyaasada Somalia.

Xasan Sheekh, waxa uu tilmaamay in socdaalkiisa uu ku gaari doono deegaano kale oo kamid ah Gobolada dalka Somalia.

“Imaashiyaheyga kuma ekaan doona Muqdisho, waxa aan gaari doonaa qaar ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Xasan Sheekh waxa uu tilmaamay in qorshihiisa uu yahay inuu u booqasho tago caasimadaha maamul Goboleedyada, isaga oo carab dhabay in halkaa uu kula kulmi doono madaxda maamuladaasi.

Lama oga Gobolada uu booqan doono Xasan Sheekh, hase yeeshee xogo aan heleyno ayaa sheegaya inuu booqan doono Puntland, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed, sida aan kasoo xiganay xubno isaga la socda.

Dhanka kale, Xasan Sheekh ayaa sheegay in aaditaankiisa Gobolada uu yahay mid isna la xiriira talo ama fikir dhageysi uu la sameyn doono maamulada iyo dadka ku nool Gobolada.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com