Shaqsiyaadka ugu cad cad iney Oomaar ka badalaan wasaaradda Duulista Hawada

Muqdisho (Caasimadda Online) – Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar – Wasiirka Duulista Hawada Soomaaliya, wuxuu ku jiraa dadka la hadal hayo iney ku bixi doonaan isku shaandheynta ugu horreysa ee xukuumadda Kheyre, Oomaar ma ahan xildhibaan sida muuqatana ra’isulwasaare Kheyre wuxuu xiiseynayaa in dhamaan golahiisa wasiirada ay xildhibaano noqdaan taasoo uu aaminsan yahay iney badbaadin karto xukumadiisa.

Durba waxey shaasahaduhu soo qabteen, magacyada dhawr siyaasi oo dhamaan xildhibaano ah kuwaas oo loo badinayo iney midkood badali doonaan Oomaar, shaqsiyaadka la hadal haayo waxaa ka mid ah  Xildhibaan Cabduwahaab Ugaas Khaliif, Xildhibaan Cabdirashii Xiddig iyo xildhibaan Maxamed jaamac Mursal Geelle, Saddexdaan xildhibaan ayaa dhamaantood wasiiro kasoo noqday dowladii hore.

Cabdirashiid Xidig waxaa loo arkaa dagaal yahan siyaasadeed, waa xildhibaan abaabul badan, hadii uu xukuumadda kusoo biiro fursad badan ayey u tahay Nabad iyo Nolol, wuxuuna ka hortagi karaa mooshinno badan.

Xilhibaan Gelle oo soo noqday wasiirka Boostada iyo Isagaarsiinta waxaa lagu eedeyn jiray inuu gacan saar la leeyahay dowladda Itoobiya, hadana sidaasoo ay tahay waxaa loo arkaa siyaasi taageero ka heysta beeshiisa.

Cabduwahaab Ugaas Khaliif wasiirkii hore ganacsiga iyo warshadaha, waa siyaasi loo arko inuu wax badan ka qaban karo wasaaradda duulista hawada, inkastoo la yiraahdo wuxuu daaacad u ahaa madaxweynahii hore Xasan Shiekh hadana taasi kama hor istaagi doonto inuu ka mid noqdo xukuumadda cusub.

Saddexdaan siyaasi oo dhamaan ku heyb ah wasiir Oomaar ayaa la hadal hayaa inuu midkood kusoo bixi doono wasaaradda duulista hawada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com