29.7 C
Mogadishu
Friday, April 17, 2026

Xiisad ka jirta xubnaha Digil iyo Mirifle uga mid noqonaya golaha WASIIRADA

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (CaasimadaOnline0 – Muranka ka taagan magacaabidda Golaha Wasiirada cusub oo ka sii daraya ayaa gaaray beelaha Digil & Mirifle kadib markii Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) si weyn uga biyo diiday inuu liiska beelahaasi ku soo daro xubno hore uga tirsanaa xukuumadii la riday ee Ra’iisal wasaare C/weli Sheekh Axmed.

Xubnahan oo hore u taageersanaa Shariif Xasan Sheekh, dowladaha wakiil uga ahaa shirkii lagu dhisay maamulka Koonfur Galbeed ee Shariifku ku soo baxay waxay kala yihiin:

1. Khaalid Cumar Cali (Wasiirkii dhalinyarad iyo Isboortiga)

2. Ibraahi Isaaaq Yarow (Wasiir ku xigeenkii Ammaanka Qaranka

Dagaal ka dhex socda Jawaari iyo Shariif Xasan
Dagaal ka dhex socda Jawaari iyo Shariif Xasan

Prof. Jawaari ayaa ku adkeynaya inaysan labadan shaqsi ka mid noqon doonin xukuumada cusub, laakiin waxaa loolan weyn uga imaanayaa Shariif Xasan oo kaliya xubnahan maahee doonaya in sidoo kale lagu soo daro golaha wasiirada Nin la dhashay oo lagu magacaabo Maxamed Xaaji Madeer iyo nin kale oo ay aad isugu dhow yihiin Xuseen Maxamed Sheekh Xuseen.

Loolankan u dhaxeeya Prof. Jawaari iyo Shariif Xasan ayaa maraya halkii ugu sareysay waxayna xildhibaannada beeshan qeyb ka mida ku hanjabeen inay tallaabo adag ka qaadi doonaan Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Shariif Xasan oo ay saaxiibo yihiin madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid, ayaa laga yaabaa inuu loolanka kaga guuleysto Jawaari, balse taas waxa ay keeni kartaa in Jawaari uu ku biiro xildhibaanada mucaaaradka, kadibna golaha wasiirada ay ansixin ka heli waayaan baarlamanka.

Xigasho: Goobjooge

- Advertisement -

Read more

Local News