29.7 C
Mogadishu
Friday, April 17, 2026

Dhaawaca mid kamid ah mas’uuliyiinta Jubba oo dibada loola cararay kadib…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Magaalada Adis ababa ee Xarunta dalka Ethiopia ayaa sheegaya in dhaawaca Wasiir ku-xigeenkii Arimaha Gudaha iyo Amniga maamulka goboleedka Jubaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur oo maalmo ka hor ku dhaawacmay shil gaari oo ka dhacay Adis ababa loola cararay Isbitaal.

Wasiirka ayaa la sheegayaa in Habeenimadii xalay loola cararay Isbitaal ku yaala dalka Thailand si dawayn caafimaad oo dheeraad ah u helo.

Xaalada Wasiir ku-xigeenka ayaa ah mid laga deyrinayo, iyadoona wararka qaar ay sheegayaan in Wasiirka uu dhiig uga furmay maskaxda, sida laga soo xigtay Mas’uul ka tirsan Maamulka.

Dhanka kale, Dhaawaca Wasiir ku-xigeenka ayaa yimid kadib markii baabuur uu saarnaa shil ku galay gudaha Ethiopia, waxaana ku geeriyooday darawalkii wasiir ku-xigeenka, halka uu isaguna kasoo gaaray dhaawac halis ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News