25.7 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

Beelaha Biyo-Maal iyo HABAR-GIDIR oo maanta mar kale is hor fadhiisanaya

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Afgooye (Caasimada Online)- Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta ay ku kulmi doonaan gobolkaasi odayaal iyo waxgarad kala matalaya maleeshiyaad horay ugu dagaalamay deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Wararka ayaa sheegaya in odayaasha ay kala matalayaan maleeshiyaadka ku dagaalamay Shabeelaha Hoose, maantana ay ku kulmi doonaan degmada Janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose, halkaasi oo ay gogosha dhigtay mid kamid ah beelahii dagaalamay.

Ujeedada ugu weyn ee laga leeyahay kulanka maanta ayaa la sheegay inay tahay sidii loo dhameyn lahaa dagaalada inta badan dhexmara labada beeleed ee wada daga Shabeelaha Hoose.

Mid kamid ah dadka wada dadaalkaan oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay inay rajo wanaagsan ka muujinayaan dhameynta khilaafaadka ka dhextaagan beelaha ku dagaalamayay gobolkaasi Shabeelaha Hoose.

Maleeshiyaadka dagaalamaya oo ku kala abtirsada Habar-gedir iyo Biyo-maal ayaa marar badan ku dagaalamay gobolkaasi Shabeelaha Hoose, waxaana dagaaladooda ay sababeen dhimasho soo gaartay dad rayid ah iyo tuulooyin badan oo la gubay.

Odayaasha iyo wax garadka Gobolkaasi ayaa waqtiyaddii danbe Waxaa ay Wadeen Dadaalo ay ku Doonayeen in ay Xal ka gaaraan dagaalkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News