Xiisada diblumaasiyadeed ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya yaa hurinaya?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa cirka isku sii shareeraya xiisadda diblu maasiyadeed ee dalalka Kenya iyo Soomaaliya, iyadoo Kenya ay ku dhawaaqeyso mar walbaa hadalo xiisadda sii kicin kara.

Dadka falanqeeya siyaasadda gobolka ayaa sheegaya in Kenya ay gadaal ka riixayaan dowlado iyo shirkado shisheeye oo doonaya inay caqabad ku noqdaan shidaalka Soomaaliya.

Waxay falanqeeyayaasha sheegayaan in labo ujeedo ay kala leeyihiin shirkadaha iyo dowladaha gadaal ka riixaya dowladda Kenya, waxaana falanqeeyayaasha ay sheegayaan in dowladaha garab taagan Kenya ay doonayaan inaan lasoo saarin shidaalka Soomaaliya.

Sidoo kale shirkadaha taageersan Kenya ayaa la sheegayaa inay iyaga doonayaan inay shidaalka soo saaraan, islamarkaana ay ku owr kacsanaan dowladda Kenya.

C/raxmaan Sahal Yuusuf oo ah falanqeeye arrimaha siyaadda gobolka ayaa sheegaya in Kenya aysan iyada laheyn go’aanada qaar ee ay ka qaadatay xiriirka diblumaasiyadeed ee Soomaaliya.

“Waxaan dareensanahay Kenya waxaa ka dambeeyo Wadamo diidaya in Shidaalka Soomaaliya lasoo saaro, sidoo kale Kenya waxaa gadaal ka riixaya shirkado iyaga doonaya inay Shidaalka Soo saaraan, Laakiin Kenya Marnaba arintaasi uma hirgeleyso”

“Soomaalida kama tanaasulayaan taako dhulkooda kamid ah, Kenya waxaa muuqata inay hadda handadaad sameyneyso, luqadaasina waxaa ku hadla dal niyad jab uu ku dhacay oo meel kasta looga guuleystay”ayuu yiri Falanqeeyaha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com