Xiisada Ethiopia iyo Sudan oo cirka isku shareertay iyo wararkii ugu dambeeyay

Addis Ababa (Caasimada Online) – Xiisada colaadeed ee kasoo cusboonaatay dalalka Sudan iyo Itoobiya ayaa sare u sii kacday, taasi oo salka ku hayso dil ciidamada Itoobiya ay u geysteen dad rayid ah iyo askar katirsan ciidamada Sudan.

Tallaabada ay qaadeen ciidamada Itoobiya kadib xukuumadda Sudan ayaa u yeertay safiirkeeda u fadhiya Addis Ababa, ayada oo meeshii ugu xumeyd uu gaaray xiriirka labada dal.

Millateriga Sudan ayaa dhankooda sheegay inay jawaab adag ka bixinayaan dilka ciidamada Itoobiya u geysteen muwaadiniintooda ay qeybta ka yihiin ciidamadu.

Dhinaca kale, Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in ciidamadaas iyo dadka shacabka ah aysan dilin ciidamada Itoobiya.

Waxa kale oo lagu sheegay war-saxaafadeedkaas in shaqaaqo dhex-martay ciidamada Sudan iyo maleeshiyo Itoobiyaan ah.

Sudan iyo Itoobiya oo hore ugu dhaxeeyay muranka webiga Nile ayaa sidoo kale waxa ka dhaxeysa xiisad colaadeed oo la xiriirta dhanka xuduudda labada dal, halkaasi oo ay isku hor-fadhiyaan ciidamada labada dhinac.