DF oo rasaas ku qabatay howlgal ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa xalay howlgallo ballaaran ka sameeyey qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir, kuwaas oo lagu xaqiijinayey amniga guud ee caasimada, si looga hortago falalka amni darrada ah.

Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa si gaar ah looga fuliyey degmooyinka bari ee gobolka Banaadir, sida Yaaqshiid, Kaaraan iyo Heliwaa.

Waxaa howlgalka horkacayey taliyaha qaybta Booliska gobolka Banaadir, Farxaan Qaroole iyo Taliyaha qaybta Bari ee Booliska Cali Calasow Cali, waxaana sidoo kale howlgalladaas qayb ka ahaa guddoomiyeyaasha maamulada degmooyinka Yaaqshiid, Kaaraan iyo Heliwaa.

Inta uu howlgalka socday ayaa waxaa lagu beegsaday xaafadaha qaar ee degmooyinkaas oo ka mid ah kuwa ugu badan ee dhaca loogu geysto dadka shacabka ah.

Saraakiisha laamaha ammaanka ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inay gacanta kusoo dhigeen rasaas fara badan oo la iibinayey iyo maandooriyaha noocyadiisa kala duwan.

Taliyaha qaybta bari ee Booliska gobolka Banaadir, Cali Calasow oo la hadlay wariyeyaasha ayaa sheegay inay sii wadi doonaan baaritaanada lagu xaqiijinayo amniga caasimada.

“Shaqo waa noo bilaabatay, waana noo waqtigeedii iyo halka looga ballamay dhammaan inta ka qayb-qaadatayna waa mahadsan yihiin,” ayuu yiri Cali Calasow Xasan.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa isa soo tarayey qaylo dhaanta kasoo yeereyso dadka shacabka ee ku dhaqan magaalada Muqdisho, waxaana isugu darsamay dhac iyo dhibaato kale oo ay ku hayaan kooxo ciyaal weero ah oo ku sugan degmooyinka Banaadir.