Xiisadda gobolka Bari oo kasii dartay iyo magacyada xubnaha u xiran dagaalka ka dhanka ah Imaaraadka

Boosaaso (Caasimadda Online) – Xukuumadda Puntalnd ee Madaweyne Siciid C/llaahi Deni ayaa sii wada xariga odayaasha iyo siyaasiyiinta Gobolka Bari, kadib kacdoon waxgarada Gobolkaasi wadaan oo ku saabsan diidmada ah in Imaaraadka lagu wareejiyo ilaha dhaqaalaha Gobolka.

Maalmihii ugu danbeeyay waxaa magaalada Boosaaso lagu xiray markii labaad siyaasi Muuse Cali Jaamac oo loo heysto inuu ka horjeedo xukuumada Puntland iyo warar uu ka sheegay warbaahinta oo ku saabsan xaaladda maamulka Puntland, waxaana sidoo kale ay xukuumada Puntland xirtay odayaal warbaahinta la hadlay oo ka hor yimid qorshe Imaaraadku kula wareegayo Garoonka Boosaaso iyo heshisikii hore ee dowladda.

Odayaasha Gobolka Bari ee u xiran Puntland waxaa ka mida:

1- Nabaddoon Maxamuud Axmed Rooble

2- Nabaddoon Cabdicasiis Axmed Maxamed (Baydhabo).

3- Nabadoon Diraac Yuusuf Buuxe

4- Nabaddoon Cawad Maxamed Faarax

5- Siyaasi Dr. Muuse Cali Jaamac

Nabaddoonada xabsiga loo taxaabay, ayaa kamid ahaa odayaal iyo Siyaasiyiin Jimcihii la soo dhaafay shir ku yeeshay magaalada Boosaaso, kuwaasi oo ka horyimid Heshiiska DP World ee ballaarinta iyo dhismaha dekedda Boosaaso, oo ay ku sheegeen mid aan waxba ka fulin.

Sidoo kale, odayaasha iyo siyaasiyiinta halkaasi ku shiray, ayaa xukuumadda Puntland ku dhaliilay in ay garoonka diyaaradaha Boosaaso iyo xarumo kale oo muhiima ku wareejisay, shirkado laga leeyahay waddanka Imaaraadka Carabta.

Dhammaan odayaasha la qabtay, ayaa loo dhaadhiciyay xabsiga weyn ee magaalada Boosaaso, halkaasi oo ay haatan ku xiran yihiin, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ciidan oo ka gaabsaday in la xigto codkooda iyo magacyadooda.