Xiisadda Masar iyo Itoobiya oo ka dartay kadib go’aan kasoo baxay Qaahira

Hargeysa (Caasimada Online) – Xiisadda Itoobiya iyo Masar oo rajo laga qabay in xal loo helo ayaa mar kale xaalad cabsi ah wajaheysa kadib markii lagu kala tegay shir shalay dhacay, oo xal loogu raadinayey biyo-xireenka ay Itoobiya ka sameyneyso webiga Nile. 

Wada-hadalladaasi oo la filayay inay waddo cusub u jeexaan muranka ka dhex aloosan Itoobiya iyo Masar ayaa xiisad hor leh dhaliyay, kadib markii ay dhinacyadu isku fahmi waayeen ajendihii wada-hadalka.

Masar ayaa Talaadadii ku baaqday in la joojiyo wada-hadallada, halka Sudan ay ka baxday ayada oo sheegtay in Ethiopia ay ku adkeysatay inay wada-hadallada ku xirtay in dib looga xaajoodo heshiis ku saabsan wadaagga biyaha webiga Nile ee Bulugga.

Dhinacyada ayaa kala adeegsanaya heshiisyo af-garad oo ku saabsan webiga, kuwaasi oo ku kala taariikheysnaa 1929, 1959-kii iyo 2010-kii.

Masar iyo Sudan oo isku dhinac ah ayaa adeegsaday ‘xuquuq taariikhi ah’ oo la xiriirta webiga oo ay u damaanad qaadeen axdiyo la saxiixay 1929-kii iyo 1959-kii, halka ay Itoobiyana wadatay heshiis ay 2010 la gashay lix ka mid ah dalalka uu webiga maro.

Heshiiskaasi Itoobiya ayaa waxa hore u qaadacay Masar iyo Sudan, midaasi oo dab kusii qabatay xiisada webiga oo maalmihii u dambeeyay u muuqatay mid soo qaboobeysa.

Masar iyo Sudan ayaa dowladda Itoobiya ku eedeynaya inaysan diyaar u aheyn in xal waara laga gaaro muranka webiga oo muddo badan soo jiitamayay, isla markaana ay badashay ajendihii kulankaasi.

Wada-hadaladaasi oo u socday wasaaradaha waraabka iyo biyaha ee dowladaha Itoobiya, Masar iyo Sudan ayaa gebi ahaanba sii socon doonin, maadama Masar iyo Sudan ay ku hanjabeen inay ka bixi doonaan.

Xiisada Itoobiya iyo Masar ayaa maalmahan la filayay inay degto kadib kulamada bilowday, hase yeeshe waxay u muuqata mid uga sii dartay xiisada ka taagneyd webiga Nile-ka.