Sawirro: Laba sano kadib Hotel Saxafi International oo maanta dib loo furay

Muqdisho (Caasimadda Online) – Laba sano kadib waxaa maanta dib loo furay Hotel Saxafi International oo ay weeraro iyo qaraxyo ka dhacay sababeen inuu mudadaas xirnaado, waxaase loo sameeyay maanta xaflad furitaan oo si heer sare ah loo soo agaasimay.

Xafladii furitaanka ee maanta oo ka dhacday hoolka shirarka ee Hotelka waxaa kasoo qeyb galay xubno ka kala socday labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka, wasiiro, masuuliyiinta dagmada Wadajir, xubno ka tirsan rugta ganacsiga Soomaaliyeed, qaar ka mid ah ganacsatada gobolka Banaadir iyo marti sharaf kale oo aqbalay casuumadii ay fidiyeen madaxda Hotel Saxafi.

Xubnahii kasoo qeyb galay xafladda furitaanka ayaa si gaar-gaar ah ugu mahad celiyay ganacsatada isku xilqaamay iney dib u furaan Hotel Saxafi International.

Xubnahii fursadda u helay iney ka hadlaan xafladda waxaa ka mid ahaa Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaaa oo mahad celin ballaaran u jeediyay maamulka Hotel-ka, wuxuuna carabka ku dhuftay in hotel-ka ay rag badan ku waayeen, sidoo kalana ay dib u dhiskaan daliil u tahay sida ay bulshada reer Muqdisho uga quusan iney qurxiyaan wadankooda.

Xildhibaanka wuxuu si guud u amaanay bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan ganacsatada oo mar walba isku daya iney soo banaan dhigaan bilicda dalka, isagoo dowladda ugu baaqay iney ganacsatada gacan weyn ka siiso soo kabashada hadii dhib gaaro.

Dhinaca kale gudoomiyaha cusub ee dagmada Wadajir oo uu hotel-ka ku yaalo ayaa mahad celintiisa kadib si gaar ah ugu amaanay ganacsatada sida ay xil isaga saareen qurxinta dagmada uu hogaamiyo, wuxuuna ugu dambeyntii tacsi u diray dadkii hotel-ka ay dhibaatada ku gaartay.

Cabdikariim Maxamuud Gabeyre oo ah gudoomiyaha rugta ganacsiga Soomaaliyeed ayaa isna ka hadlay kaas oo sheegay in dal walba ay adduunka ka gadi karaan ganacsatada, wuxuuna rajeeyay in ganacstada kale ay maalgalin ku sameyn doonaan dalka si loo dareemo quruxdiisa.

Waxaa kaloo meesha ka hadlay Sh. Cabdiweli Muuse oo ah gudoomiyaha bangiyada ganacsiga iyo xawaaladleyda kaas oo khudbadiisii kusoo koobay oo kaliya mahad celin la xiriirta ganacsatada isku xilqaamay iney dib u taagaan hotel qiimo ku leh bulshada Soomaalida.

Ugu dambeyntiina Siyaad Xaashi Maxamed oo ku hadlayay afka madaxda hotel-ka ayaa qof walba oo kasoo qeybgashay xafladda furitaanka isla markaana aqbashay casuumaadooda uga mahad celiyay wakhti siintooda iyo sharafta ay ugu yimaadeen.