Xiisadda SOMALILAND ka taagan oo kasii dartay

Hargeysa (Caasimada Online) – Magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland waxaa kasii daraya xiisad siyaasadeed oo u dhexeyso xisbiyada mucaaradka Wadani, UCID iyo xukuumadda Biixi, kuwaas oo isku haya qabsoomida doorashooyinka guud ee Somaliland.

Musharaxa xisbiga Wadani, Cabdiraxmaan Cirro oo xalay taageerayaashiisa kula dabaal-degay Maqaayadda SIMA ayaa markale ku celiyey inuu dhacayo dibad-baxa ay abaabulayaan xubnaha mucaaradka, isaga oo wacad ku maray inuu hoggaamin doono.

“Isu soo baxa nabadgalyo waa xaq dastuuri uu shacabka leeyahay oo cidi aanay ka qaadi Karin, isusoo baxaas wuu dhacayaa aniga ayaa hoggaaminaya, ciddii xabbad ku rideysa Shacab dibadbaxaya oo aan hubeysneen hasoo rido” ayuu yiri musharaxa C/raxmaan Cirro.

Sidoo kale wuxuu farrin u diray Madaxweyne Muuse Biixi oo uu ugu baaqay inuu qabto doorashada, isla-markaana uu qayb ka noqdo tartan adag ee la geli doono.

“Muuse Biixi waxa aan leeyahay xilka xoog kuma qabsan ee qabo doorasho, haddii aad ku guuleysatid joog haddii lagaa helana dhiib, muddo kordhin ma jirto” ayuu sii raaciyey.

Cirro ayaa sidoo kale soo hadal qaaday is casilaadda xubnaha guddiga doorashooyinka Somaliland, wuxuuna sheegay in xukuumadda ay fara-gelisay, sida uu hadalka u dhigay.

“Komishinkii Doorashooyinka qaranka waxa uu Muuse ku guuleystay in uu xabad-xabad u tanaasuliyo oo lagu qasbay in ay tanaasulaan, taasi micnaheedu waa in uusan qaban doorasho, waxa aan taa ka leeyahay, Doorasho la’aan halkaas kuma joogeysid, Dadkuna way isku soo baxayaan, aniga ayaa hoggaamin doono oo waqtiga iyo goobaha waan idinku wargelin doonaa ee diyaar u ahaada” ayuu markale khudbaddiisa ku yiri musharrax Cirro.

Dhinaca ciidamada Somaliland ayaa lagu soo warramayaa inay xireen Milkiilaha Maqaaxida SIMA oo ah halka uu taageerayaashiisa kula hadlay Cabdiraxmaan Cirro, waxaana wararar ay sheegayaan in ciidamadu ay goobta ay tageen markii ay ka dhaqaaqeen xubnaha xisbiga mucaaradka Wadani, kadibna ay xasbiga dhigeen Axmed Sayid oo ah Milkiilaha.

Xaaladda Somaliland ayaa u muuqata inay haatan kasii dareyso, wuxuuna muranka ka dhashay hannaanka doorashada, iyada oo mucaaradka ay ka digayaan muddo kororsi.