XIJAAR oo qorshe la xiriira doorashada ka billaabay magaalooyinka Puntland

Garowe (Caasimadda Online) – Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya S/gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa bilaabay dar-dar galinta howsha loo idmay ee la xiririta sugidda amniga goobaha doorashooyinka, wuxuuna markaan ku sugan yahay magaalada Garowe ee dowlad goboleedka Puntland.

Taliyaha ciidamada booliska Soomaaliya, Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho ku jooga caasimada maamulka Puntland ee Garoowe, ayaa kulan la qaatay Madaxweyne kuxigeenka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan Karaash.

Ku-simaha madaxweynaha iyo Taliye Xijaar ayaa ka wada-hadlay sidii dowladda federaalka iyo maamulka Puntland ay uga wada shaqeyn lahaayeen dar-dar gelinta arrimaha doorashooyinka, oo dhawaan heshiis looga gaaray magaalada Muqdisho.

Kulankan ayaa sidoo kale waxa diirad lagu saaray sidii labada dhinac ay iskaga kaashan lahaayeen sugida Amniga doorashooyinka labada aqal, gaar ahaan kuwa lagu qabanayo deegaanada Puntland.

Taliyaha wuxuu kormeer ku sameeyay dhawr goobood oo ay ka dhici doonto doorashada aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana wehliyay saraakiisha ciidanka Booliska Soomaaliya iyo kuwa maamulka Puntland.

Qiimeynta ay sameeyeen waxey kaliya ku wajahneed magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland, waxaana Booliska Soomaaliya loo xil saaray iney sugaan amniga iyo isku-dubaridka doorashooyinka.

Taliyaha wuxuu kormeer arrimahaan doorashooyinka la xiriira ku tagay Koonfur Galbeed iyo Galmudug, waxaana la rajeynayaa inuu tago maamulada kale ee haray sida Jubbaland iyo Hirshabelle, si uu ammaanka doorashooyinka uga agaasimo.

Bishaan Novembar wuxuu dalka galayaa doorashooyin, waxaana la filayaa in laga bilaabo labada aqal ee Baarlamaanka, sidaas darteed maamul walba waxaa loo asteeyay laba meelood oo la dhigi doono kuraasta xildhibaanada aqalka hoose.

Taliyaha wuxuu u muuqdaa mid si hordhac ah u fulinaya hawlahiisa iyadoo doorashada wakhtigeeda rasmiga ah aan la shaacin.