Fowsiya Yuusuf oo kashiftay arrin DF aysan ogeyn oo la xiriirta ciidamada….

Muqdisho (Caasimada Online) – Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo horay usoo noqotay Wasiirka Arimaha dibadda dowladda Somalia iminkana ah mudane ka tirsan baarlamaanka oo la hadashay warbaahinta ayaa sheegtay in Ciidamada Sera Leone iyo shacabka dalkaasi ay caalamka ku hayaan il gaar ah.

Waxa ay sheegtay in dalka ay kusoo wajahanyihiin ciidamadii Sera Leone ee dhawaan la sheegay in loo diiday dalka inay soo galaan ka dib askari iyaga ka mid ah oo laga helay cudurka Ebola.

Waxa ay hadalkeeda intaa ku dartay in xog ay ka heshay Hay’adaha Caafimaadka Khuseeya ay ku wargaliyeen inay jiraan Ciidamo xanuunsan oo qaba Xanuunka Ebola loona baahan yahay in lagu sameeyo baaritaano dheer.

Sidoo kale, waxa ay sheegtay in Hay’ad caalami ah ay lasoo xiriirtay una sheegtay in ay hubaan in ciidamadaan ay dalka imaan doonaan, loona baahan yahay sidii cudurka Ebola looga hortagi lahaa, waxa ayna Arrinkaasi ku sheegtay in looga baahan yahay DFS inay ka fiirsato Ogolaanshaha lagu keenaayo Ciidamada Sera Leone.

”Waxaan xiriir wada sameynay Hay’ado caalami ah waxa ay ii sheegen in Ciidamada Sera Leone gar iyo gardaraba ay kusoo wajahan yihiin Somalia, waxa ay iiga digeen inaan ka dowlad ahaan Ciidamadaasi aqbalno, waxayna ii sheegen inay ku jiraan Ciidamo qaba Cudurka Ebola oo la qarinaayo”

Dhanka kale, Marwo Foosiya waxa ay sheegtay in xogtaan ay sida ugu dhaqsiyaha badan ugu gudbin doonto DF Somalia si looga hortago ciidankaan oo laga baqaayo halista Ebola in dalka ay keenaan.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya C/weli Sheekh Axmed ayaa shalay Muqdisho ka sheegay in xukuumadiisa iyo ciidamada AMISOM ay iska kaashan doonaan sidii looga hortai lahaa halista Ebola

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com