XOG: SHARIIF oo u ololeynaya SHARIIF

Baydhaba (Caasimada Online) – Xildhibaanno ka soo jeeda Bay iyo Bakool, ayaa sheegaya in Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Dowladii KMG Shariif Xasan Sheekh Aadan uu wado kullamo uu taageero ugu raadinaayo Madaxweynihii hore ee Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Mid kamid ah Xildhibaanada oo codsaday inaan la xusin, ayaa sheegay in Shariif Xasan uu kala hadlay arrimo badan oo ay kamid tahay in Xildhibaanada Digil iyo Mirif looga baahan yahay inay muujiyaan taageero dhanka Sheekh Shariif Sheekh Axmed, waxa uuna ugu bishaareeyay inuu ka qeybqaadan doono doorashada 2016-ka dhici doonto Magaalada Muqdisho.

Inkasta oo Shariif uu dorraad sheegaya inuusan war badan u hayn siyaasadda dalka, haddana xeeldheerayaasha ayaa sheegaya inay tahay un arrin uu indhaha iskaga jeedinayo, balse uu qorshe weyn wado.

Xildhibaanka xogta bixiyey ayaa yiri “Shariif Xasan waxa uu wadaa kullamo uu la qaadanaayo xildhibaanada Digil iyo Mirif, waxa uu ka dhaadhacsiinayaa inay taageero u muujiyaan Sheekh Shariif oo dib isku soo sharixi doono, waxa uu sidoo kale noo sameeyay ballan qaadyo hadii qaabka loo rabay u dhacdo siyaasada”.

Isaga oo intaa kasii ambaqaadayo waxa uu yiri “Waxa uu dhowr jeer ku cel-celshay inaan marnaba la taageerin Xasan Sheekh oo kamid ahaan doono musharaxiinta iyo qof waliba oo ay wataan Dam-Jadiid”.

Arrintaani ayaa muujineysa in siyaasada Shariif Xasan ay dib usoo laaban doonto haddii ay dhacdo in Sheekh Shariif uu qabsado talada dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhaba
Caasimada@live.com