AMISOM oo toogatay ODAYAAL da’ ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Warka naga soo gaarayo dhanka magaalada Marko ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa sheegaya in Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM ay halkaasi ku dileen Odayaal da ahaa.

Wararku waxa ay Tibaaxayaan in saddex Oday ay ku dhinteen Afar kalena ay u geysteen dhaawac kadib markii si kam ah ay ragaas ooda uga qaadeen.

Dilka Odayaasha ayaa waxa uu yimid kadib markii la weeraray Kolonyo Gaadiid ah oo ay wateen Ciidamada AMISOM xili ay marayeen Xaafadaha Ruusiya iyo  Bayturaas.

Goobjoogiyaal ayaa xaqiijiyay Dhacdadan, waxaana ay intaasi ku dareen in Bambaanooyin lagu weeraray AMISOM dhowr Goobood oo kamid ah Magaalada Marko, iyadoo Weeraradaasi kadib ay Ciidamada galeen Gurayaha oo ay toogteen dad Rayid ah oo Odayaasha Deegaanka kamid ahaa.

Dowlada federaalka iyo Saraakiisha Dowlada weli kama aysan hadlin xasuuqa loo geystay Odayaasha iyo dadka shacabka ahaa
Arrintaani ayaa waxa ay imaaneysaa xili ay Madaxda DF Somalia aysan laheyn awood ay kula hadlaan Saraakiisha hogaamineysa Ciidamada Midowga africa ee AMIOSM.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com