KENYA oo kooxdii qaswade-yaasha dib usoo abaabuleysa iyo qorshe cusub….

By Asad Cabdullahi Mataan

Muqdisho (Caasimada Online) – Diblomaasiyiin ka tirsan Xukuumada Somalia, ayaa sheegay in Dowlada Kenya ay ku howlan tahay dib usoo nooleynta kooxdii qaswadayaasha Somalia.

Diblomaasiyiintan oo codsaday inaan la magacaabin ayaa ku warramay in Ujeedka qorshahaasi uu yahay mid lagu carqaladeynaayo Dacwadaha la filaayo in sanadka dambe ay Somalia iyo Kenya u bilaaban doonto, taasi oo salka ku heysa boobka Kenya ee badda Somalia.

Sidoo kale, Diblomaasiyiinta ayaa carabaabay in xog ay heleen ay muujineyso in Qaswadayaasha Kenya soo nooleyneyso ay kamid yihiin Rag xilal ka waayay DF Somalia horayna uga tirsanaa kooxdii qaswadayaasha Nairobi.

Qaswadayaasha ayaa waxaa ka mid ahaa Shariif Xasan, Prof, Gaandi, Geedi, Prof. Ibbi, Dr. Baadiyow iyo kuwa kale.

Waxa ay intaa ku dareen in Kenya ay geed dheer iyo geed gaabanba u fuuleyso, si alle sida ay ku hakin laheyn in Dowlada Somalia ay Kenya kaga adkaato dacwadda badda, kana horjoogsato Kenya boobka ay waddo, waxa ayna taasi ku tilmaamen mid muujineysa Fashilka Kenya.

Waxa kale oo ay sheegeen in Dowlada Federaalka ah ee Somalia ay ka feejignaan doonto wax waliba oo kaga imaan doona dhanka Kenya iyo Qaswadayaasha ay dhaqaalaha ku bixineyso.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com