Shirqoolka cusub ee DFS iyo Puntland (Maxaadan ogeyn oo lagu heshiiyey?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh uu hogaamiyo, ayaa lagu eedeeyay inay dalka ku hogaaminayso musqatbal mugdi ah oo horseedaya Colaad Beeleed ku salaysan Maamulka Dhulka iyo qeybsiga Kheyraadka ku jira.

Qubaro iyo Aqoonyahano dhanka Cilmiga Dhulka iyo Khayraadka oo wax ka qoray Hanaanka ay ku shaqeynayso Dowladda Federaalka Soomaaliya, ee ku aadan Heshiisyada ay saxiixeyso ayaa ka digay markale inay Soomaaliya dib ugu laabato halkii ay ka timid ee ah Dagaal Sokeeye.

C/qaadir Suleymaan Maxamed oo ah Falanqeeye dhanka Siyaasadda Soomaaliya, ayaa u sheegay Idaacadda QM ay maamusho ee IRIN in Maamul Xumo iyo Musuqmaasuq baahsan inay ku dhaqmayso Dowladda Federaalka, isagoo tusaale usoo qaatay Heshiikii ugu danbeeyay ee 14-ka Octoobar ka dhacay Garoowe.

“Heshiiskii Garoowe ee ay wada saxiixdeen DFS iyo Punland wuxuu dhaawacayaa Hanaanka Dhismaha Dowladdanimo ee dalka Soomaaliya, waayo waa Heshiis lagu kala qeybiyay Bulsho wada degan, iyadoo Qabiil lagu salaynayo, oo aan loo hogaansamin Sharciyada ku dhigan Dastuurka Federaalka ee ah in Labo Gobol iyo wixii ka badan ay Maamul samaysan karaan,” ayuu yiri C/qaadir Suleymaan Maxamed.

Wuxuu sheegay in Heshiiskaasi Garoowe u ahaa mid Shirqool ah oo lagu qeybsanayo Hantida Qaranka Soomaaliyeed ee yaalla dalka dibadiisa, isagoo intaasi ku daray in taasi ay ka dhalan doonto Dhibaato kale oo Beelaha iyo Maamulada u dhaxeeya.

“Heshiiska Garoowe wuxuu dib usoo noolaynayaa Colaadii hore, waxa uu iska horkeenayaa Beelaha ku nool Gobolka Mudug oo Mudo Nabad kusoo wada noolaa, waxaan ku baaqayaa in taasi laga hortago,” ayuu yiri C/qaadir Suleymaan Maxamed.

Wuxuu kaloo tilmaamay in Heshiiskii Garoowe Qodobadii lagu saxiixay uu ku jiro in Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland wada qeybsadaan Hantida Qaranka uu leeyahay ee taalla dalka Dibaddiisa.

“Federaalku waa in lagu saleeyaa Dhulka (Juquraafi ahaan), lagana dhigaa mid Gobolada ku salaysan oo aan ku dhisnayn Rabitaanka Qabaa’ilka, haddii taasi ay dhacdo waxaa ay keeni kartaa in maamulada kala ee loo dhisayo Gobolada dalka ay xoog kula wareegaan Dhulka Beelaha kale,” ayuu yiri Ugaas Abdi Dahir, oo kamid ah Odayaasha Mudug.

Wuxuu sheegay in QM, IGAD iyo Midowga Yurun ay qeyb ka yihiin kala qeybinta dalka Soomaaliya, ayna horseedayaan inay Shacabka isku laayaan Federaalka Fidnata lagu abuurayo.

“Dalka Soomaaliya ma lahan hadda Gudiga Federaalka iyo Arrimaha Xuduudaha, marka ma ansaxayo in hal Gobol ama magaalo loo kala qeybiyo Labo Beelood, iyadoo la leeyahay Maamul Goboleed ayaa la dhisayaa,” ayuu yiri C/qaadir Suleymaan Maxamed.

“Wakiilada QM, EU iyo IGAD waxay dhexda kasoo galeen Taayer wareegaya, oo ah Dhibaatada dalka Soomaaliya ee soo socaty tan iyo 1991, waxayna isku dayayaan inay dib usoo nooleeyaan Colaadii laga soo gudbay, iyagoo Beelaha qaar la safanaya, kuwa kalena ku tilmaamay Qaswadiyaal,” C/qaadir Suleymaan Maxamed ayaa sidaa sheegay.

“Musqumaasuqa ka jira Soomaaliya, waa Dhibaatada ugu weyn ee haysata dalkaasi, Dowladaha Deeqa bixiya waxay samaynayaan Qalad midkii ugu weynaa haddii ay iska indha-tiraan arrimahaasi oo ay Lacag siiyaan Dowladda Federaalka iyo Maamulka Puntland,” ayuu yiri C/qaadir Suleymaan Maxamed.

Wuxuu kaloo tilmaamay in ay qalad tahay in Dowladda Dhexe ay Heshiis kula gasho Maamulka Puntland inay si siman u qeybsadaan Dhaqaalaha kasoo baxa Ilaha Dhaqaale ee dalka, sida Dekedaha, Garoomada iyo Dakhliga kale, waayo ma ahan taasi mid qaba Dastuurka Federaalka.

Aqoonyahanada iyo Odayaasha Soomaaliyeed ayaa soo jeediyay in dib u eegis lagu sameeyo Heshiiskii Garoowe, haddii kala waxaa dhici doonta in Kooxo gaar ah ay dhacaan Hantida Qaranka ( Tan dalka iyo Dibadda).

Waxay sheegeen in haddii la doonayo in dalka oo dhiso Maamullo si Nabad ah kuwada Nool, una hogaansan Dastuurka Federaalka laga dhigayo Heshiisyada ay Dowladda Dhexe gaarayso kuwa lagala tashado Shacabka.

Xudunta Dhibaatada Soomaaliya:

1. Somaliland oo sheeganaysa inay tahay Dowlad ka madaxbanaan Soomaaliya waxay Heshiisyo kula gashay Shirkado Shisheeye inay Shidaal ka baaraan Gobolka Sool, waxayna dhistay Ciidamo gaar ah oo ilaaliya Amaanka Shaqaalaha baaraya Shidaalka.

2. Si lamid ah Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Puntland ayaa Ruqsad (License) siisay Shirkado Ajnabi ah oo Shidaal ka baara Gobolka Sool, oo sidoo kale Maamulka Khaatumo uu sheeganaya Maamulkiisa, ugana digayo Shirkadaha inay halkaasi tagaan.

3. Somaliland waxay Cabsi ka qabtaa oo Walaac ka muujisay Heshiiskii Garoowe oo uu ku jira in Dowladda Dhexe iyo Puntland dhisaan Ciidanka Qaran oo weerar kuu qaadi kara ama qalqal gelin kara Maamulka Hargeysa, sida uu sheegay Agaasiimaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Osman Dube.

4. Tartanka Kheyraadka Shidaalka dalka, gaar ahaan Gobolka Sool ee uu dhaxeeya Somaliland, Puntland, Khaatumo iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

5. In Hantida Dibadda taalla lagu soo celiyo qaab qarsoodi ah, kadibna ay qeybsadaan Puntland iyo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

6. In lakala gooyo Gobolka Mudug, kadibna Maamulka Cusub ee Gobolada Dhexe (Galgaduud iyo Mudug) uu Weerar ku qaado Puntland, iyagoo doonaya inay soo cashtaan Waqooyiga Mudug.

Isha: KON