Mas’uul wasaarada gaashaandhiga DF oo xabsiga loo dhigay gabay uu tiriyay

Muqdisho (Caasimada Online) – Warka naga soo gaarayo dhanka Wasaarada Gaashandhiga DF, ayaa sheegaya in amar kasoo baxay Taliyaha Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed Generaal Daahir Aadan Cilmi indha qarshe Jeelka lagu dhigay Korneel Cismaan Cilmi Guure oo katirsan Saraakiisha Ciidanka Miltariga.

Xariga Col:Cismaan Cilmi Guure ayaa la sheegayaa inuu imaaday kadib markii uu tiriyay Gabay uu ku magacaabay fariin Qaran.

Gabayga ayaa waxa uu diirada ku saaray dhibaatooyinka heysta Ciidamada Xooga dalka oo ay koow ka tahay Mushaar la’aanta iyo dhibaatooyinka hoose oo ay ka cabanayaan Ciidamada.

Sidoo kale waxa uu ku cabiray gabayga in niyad jab ballaaran uu xiligaani heysto Ciidamada, isagoona Tilmaamay in taliyaha milatariga Gen, Daahir Aadan cilmi indha qarshe uu la dagay qalbiga Ciidamada.

Dhanka kale, Dowlada Federaalka weli kama hadlin xariga Col:Cismaan Cilmi Guure, waxaana socda dadaalo lagu doonaayo in lagu siidaayo, walow Gabayga uu ahaa mid si dadban loogu fadeexeeyay  taliyaha.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com