GAAS “Guul baan ka keenay LONDON”

London (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas oo ka qayb galay shirka maalgashiga Africa ee ka socday magaalada London ayaa sheegay in maamulka Puntland uu guul ka soo gaaray shirka, xili uu lahadlayey BBC-da laanta Af-Soomaaliga.

Gaas ayaa sheegay in shirkan ay ku soo bandhigeen xog badan oo ku saabsan fursadaha maalgashiga ee ka banaan dhulka ay maamusho Puntland ayna u gudbiyeen shirkadaha ka qayb galay shirka maalgashiga Africa.

Madaxweynaha Puntland ayaa xusay in shirkan uu ahaa wajigii koowaad ee is waraysiga oo dalkasta uu bandhigayey fursadiisa maalgashi balse wajiga labaad oo ka dhacay gudaha Africa gaar ahaa dalka Nigeria ayuu sheegay in uu noqonayo mid heshiisyo iyo balan qaadyo lagu gaarayo.

Mar la weydiiyey Madaxweyne Gaas in Puntland ka qayb gashay shirka Maalgashiga iyo Shidaalka Soomaaliya ee lagu qabtay London ayuu sheegay in aysan ka qayb galin taasna sabab u tahay in aan lagu casuumin shirkaas balse hadii ay khusayso ahayd inay ka qayb galaan balse aysan doonayn isjiid jiid iyo khilaaf dhasha sababta looga tagey.

Caasimada Online
Xafiiska London
Caasimada@live.com