Xil ka xayuubinta MUUSE Biixi iyo doorasho deg deg ah oo maanta lagu baaqay

Hargeysa (Caasimada Online) – Mucaaridka Somaliland oo maanta shir deg deg ah ku yeeshay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi uu ku fashilmay hogaaminta Somaliland, waxayna dalbadeen in xilka uu ka dego, oo loo qabto doorasho deg deg ah.

Waddani iyo Ucid ayaa ka dhawaajiyey in Muuse Biixi uu “noqday Kaligii-taliye”, isla markaana loo baahan yahay in xilka si deg deg ah looga xayuubiyo, waa sida ay hadalka u dhigeene.

Labada xisbi ayaa si wada-jir u soo wada jeediyay in Doorashada madaxtooyada la qabto sanadkan inta uusan dhamaanba muddo xileedka Biixi, maadama “uu ku fashilmay” xilkii loo igmaday.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in qadiyadii gooni isu-taaga Somaliland uu hoos u dhac weyn ku yimid, isagoona xusay in Xukuumada Biixi ay dhiiri-gelisay inay lunta rajadii madax banaanida.

“Waxa muuqata maanta in Muuse Biixi uu u xuubsiibtay keligii taliye, cagtana saaray waddadii hore loo eeday ee khayrkii iyo jannanadii dhagarta ku caanka ahaa ay mareen” ayuu yiri Guddoomiye Ciro oo isaguna warbaahinta la hadlay.

Xisbiyada Mucaaridka ayaa si weyn uga soo horjeeda hab maamulka Madaxweyne Muuse Biixi, iyadoona xiisada kala dhaxeysa Mucaaridka ay sarre u sii kacday muddooyinkii u dambeeysay.