R/W Xasan Kheyre oo ballan qaad cusub maanta kaga dhowaaqay Muqdisho

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxa maanta magaalada Muqdisho lagu qabtay xuska sanad guuradii 50-aad ee ka soo wareegatay maalintii la asaasay ciidamada Asluubta Soomaaliyeed.

Munaasabadda xuska oo ka dhacday magaalada Muqdisho, gaar ahaan xarunta ciidamada Asluubta Soomaaliyeed ee ku taalla Ex-Control Afgooye, ayaa waxaa ka soo qayb galay Ra’iisul wasaaraha dalka, wasiirro, xildhinaanno iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo munaasabadda khudbad ka jeediyay ayaa ugu horreyn waxa uu u hambalyeeyay qaybaha kala duwan ee ciidamada Asluubta Soomaaliyeed iyo dhammaan xubnihii kasoo qayb qaatay jiritaanka ciidamada Asluubta Soomaaliyeed.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa waxa uu khudbaddiisa kusoo hadal qaaday arrimaha cadaaladda dalka, isaga oo sheegay in xukuumaddiisu ay dib u habayn ku samayn doonto, si lamid ah dib u habayntii ay dowladdu ku sameysay ciidamada militeriga Soomaaliya.

“Si Shaqada Ciidamada ay u sahlanaato, waa in mas’uuliyad la iska saaraa Caddaaladda oo sal u ah howl waliba oo la qabanayo, waxaana Taliyaasha iyo Wasiirka Caddaaladda farayaa in ay mas’uuliyad iska saaraan” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Ra’isulwasaare Kheyre ayaa  tilmaamay in Ciidamada Aluubta aysan shaqada u fududaan doonin haddii aan la helin cadaalad, wuxuuna yiri “Ciidanka Asluubta ee halkaan ku sugan shaqada uma fududaaneyso haddii aysan Caddaalad helin ama wax ku qaban, Haddii Hay’adaha kale ee Dowladda dib u habeyn lagu sameeyo oo laga tago Caddaaladda, howsha ama nidaamka Dowladda ma isku dheeli-tirmayo”

Isagoo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri “Sida qofka uu ugu baahan yahay Hoy ama Cunto ayuu dadka u baahan yahay Caddaaladda, waxaana lagu gaari karaa in wax laga qabto Qabyaaladda, Qaraabo kiilka, Laaluushka, Marqaati beenaadka, Dulmiga bareerka ah iyo danta gaarka ah oo laga hormariyo tan guud” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Maanta oo kale 22-kii Febraayo 1970-kii ayay ahayd markii la aas-aasay ciidamada Asluubta Soomaaliyeed, waxaana sanad walba la dhigaa munaasabad lagu xusayo.