26.6 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Xildhibaan Mahad Salaad oo kashifay cida ka danbeysa mooshinka xukuumada

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo kamid ah mudanayaasha BFS, ayaa ka hadlay Mooshinka ay Xildhibaanada kawadaan Xukuumada Ra’isul wasaare Kheyre.

Xildhibaan Mahad Maxamed, ayaa qoraal ku saabsan Mooshinka Xukuumada kusoo daabacay beejka uu ku leeyahay Barta Facebook, waxa uuna ku cadeeyay sababta keentay Mooshinka.

Xildhibaan Mahad Maxamed, waxa uu sheegay inay mudan tahay in la wada ogaado waxa uu salka ku hayo Mooshinka, isagoo su’aal ka keenay cida rasmiga ah ee wada Mooshinka Xukuumada.

Waxa uu faramuuqan inay jiraan malooyin muujin kara in Mooshinkaasi aysan ku lug laheyn Xildhibaanada BFS.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA XILDHIBAAN MAHAD SALAAD:

WAA WAX TAARIIKHDA SOOMAALIYA KU CUSUB XUKUUMAD IYADU MOOSHIN ISKA KEENAYSA!!!

Sanadihii lasoo dhaafay waxaa dhagaha Soomaalida ku badnaa Xildhibaano Mooshin ka keenaya Xukuumad markaasi jirta sabab kastaba haka danbeysee!

Maalmahaan waxaa Magaalada Mogadishu ka shidan MOOSHIN XUKUUMADU IYADU ISKA KEENAYSO, sababtoo ah markii aan waraystay Xildhibaanada Golaha Shacabka wali la’iima sheegin Xildhibaano wada Mooshin Xukuumada Kheyre ka dhan ah!. Hadaba waxaa iga su’aal ah:

1. Ma Xildhibaano aan ahayn 276 Xildhibaan ee Golaha Shacabku ka koobanyahay ayaa jira oo Xukuumada Mooshin ka keeni kara?

2. Ma Xukuumada Kheyre ayaa isku og’ danbi ay ka gashay Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed oo inta danbigaasi kusoo baxo ayay ka baqeysaa inla rido?

3. Ma BARNAAMIJKII iyo BALANQAADYADII Ra’iisul Wasaaruhu ka horjeediyay Golaha Shacabka ayuu ku fashilmay, marka fashilkii Xukuumadiisa ayuu rabaa inuu Golaha Shacabka dusha uga tuuro?

4. Ma dagaal Xukuumadu u xayd-xaydaneyso oo ay rabto inay Golaha Shacabka ku qaado ayaa jira?

Su’aalahaas oo dhan waxaan rajeynaynaa in Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumadiisu ka jaahil bixiyaan Golaha Shacbka marka uu furmo Kalfadhigiisa 8da bishaan inshaa’allaah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News