Xildhibaan caana ka tirsan garabka Yoweri Museveni oo toogasho lagu dilay

Kampala (Caasimada Online)-Dabley hubeysnaa ayaa toogasho ku dilay xildhibaan caan ah oo ka tirsan baarlamaanka dalka Ugandha.

Xildhibaanka oo la sheegay inuu ahaa Muslim kana tirsan garabka Madaxwayne Yoweri Museveni ayaa lagu toogtay afafka hore ee guriga uu ka dagan yahay magaalada Kampala.

Xildhibaan Ibrahim Abiriga ayaa kamid ahaa kuwa ugu caansan baarlamaanka dalkaasi, iyadoo dilka kadib ay taageerayaashiisa dhigeen dibadbaxyo aad u xoogan.

Dibadbaxayaasha ayaa axaddii isugu soo baxay garoonka magaalada Arua ee waqooyiga Uganda, waxa ayna sidoo kale gudaha magaalada ku gubeen goobo ganacsi.

Waxa ay dibadbaxayaashu isku dayeen inay dhulka dhigaan isla markaana gubaan saldhig booliisk deegaanka Arua.

Xildhibaanka waxaa lala dilay mid kamid ah ilaaladiisa, waxaana lasoo sheegayaa in labaduba aysan naf dhul la gaarin.

Sidoo kale, ammaanka ayaa si wayn loo adkeeyay guriga xildhibaanka la dilay iyo guud ahaan magaalada.

Dhinaca kale, dilka Xildhibaan Abiriga ayaa imaanaya xili gudaha Ugandha lagu dilay afhayeenka ciidamada Booliska.

Caasimada Online

Xafiiska Kampala

Caasimada@live.com