Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxa cirka isku sii shareertay xiisadda ka taagan dowladaha Jaamacadda Carabta ee ku aadan xiriirka loo jaray dowladda Qatar kadib markii ay dowladaha qaar ku eedeeyeen inay kaalmeyso argagixisada.
Ilaa afar dowlad oo kamid ah Jaamacadda Carabta ayaa xiriirka u jaray Dowladda Qatar, waxaana jiro culeys weyn oo Soomaaliya lagu saarayo inay xiriirka u jarto, maadaama diyaaradaha Qatar ay bilaabeen inay si ka badan sidii hore u isticmaalaan Hawada Soomaaliya kadib markii dowlado badan ay u diideen inay isticmaasho hawadooda.
Haddaba waxaa go’aanka Soomaaliya kaga aadan arrintaan si dhab ah kaga hadlay Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah mudanayaasha Golaha shacabka ee Baarlamaanka Somaliya.
Xildhibaanka ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka Somaliya inaysan dhanna la safan dowladaha Sacudiga iyo Qatar oo dhawaan xumaaday xiriirkii ka dhaxeeyay, isla markaasna aysan Soomaaliya xiriirka u jarin dowladda Qatar.
Waxa uu sheegay Xildhibaanka in Somaliya markaan laga doonayo oo kaliya inay ku biirto kaliya dalalka taageeraya in gogol wada hadal ah loo furo Labada dhinac bedalkii ay taageeri lahayd mid ka mid ah dalalkaasi, maadaama laga yaabo inay Soomaaliya arrintaan saameyn ku yeelasto.
“Somaliya Labada dal xiriir wanaagsan ayeey la leedahay, waxaana naga dhaxeeya Jaamacadda carabta, Labada dowladoodna culeys siyaasadeed, mid dhaqaale iyo mid ummadeed waa ay nagala dhaxeeyaan, Sacuudiga iyo Qatar mashaariic bay doonayaan in Soomaaliya ay ka fuliyaan, wixii ay qabteenna waa la ogyahay, Labada dal safaarado ayeey dalka ku leeyihiin, walibana Qatar Km-4 ayeey safaaraddooda ku taallaa si ay nala wadaagaan waxa dalka ka jira, xiriirkeennana aad buu u wanaagsan yahay” ayuu xildhibaan Dalxa.
” marka arrimahan inaan annaga ku degdegin oo aan shaqo ku yeelan, ka fiirsanno oo Labada dhinac dhex dhexaad ka ahaanno ayaa loo baahan yahay” ayuu sii raaciyey.
Hadalkan Xildhibaan Dalaxa ayaa imaanayo xilli dhawaan ay soo baxayeen warar sheegayo inay dowladda Sacuudiga culeys ku saareyso Soomaaliya inay xiriirka u jarto dowladda Qatar, inkastoo aysan dowladda Soomaaliya weli si rasmi ah uga hadlin xasarada kasoo cusboonaatay Sacuudiga iyo Qatar.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]