Xildhibaan Dhakool oo shaaciyey cida ka dambeysay xarigiisa iyo xogo kale

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xildhibaan Dhakool ayaa maanta markii u horeysay la hadlay warbaahinta, kadib markii shalay xoriyadiisa ay u soo celisay xukuumada uu hogaamiyo Muuse Biixi.

Dhakool ayaa sheegay in habeenkii laga soo xirayey gurigiisa loola dhaqmay si aan dowladnimo aheyn oo baal-marsan sharciga, balse waxa uu xusey in intii xabsiga uu ku jirey loola dhaqmay si wanaagsan.

Xildhibaan Dhakool ayaa sidoo kale waxa uu sheegay inaysan xiran Beel gaar ah ee balse ay xirteen shaqsiyaad uu tiradooda ku sheegay Todobo Nin oo necbaa ay ka dambeeyen xarigiisa.

“Umadda reer Somaliland iyo weliba deegaanadeyda aan ka soo jeedo mid baa u sheegaya, waxaan u sheegaya Aniga qabiil ima xiran, Isaaq ima xiran, Habar-awalna ima xiran, Sacad Muuse-na ima xiran, xarigeygaasi Todobo Nin oo awalba i necbaa baa sabab u aheyd, himikana meel kheyr leh ayuu Alle dhigi doona” ayuu yiri Xildhibaan Dhakool.

Ugu dambeyntiina Xildhibaanka ayaa wuxuu u mahad-celiyay dhamaan cid kasta oo ka xumaatay xarigiisa, kana qeyb qaadatay inuu dib u helo xoriyadiisa, isagoona si gaara ugu mahad celiyay siyasiyiinta xisbiga mucaaridka ah ee Waddani.

Waxa sidoo kalena uu sheegay xildhibaanku inuu cafiyey dadkii sida qaldan uga fal-celiyay xarigiisa, isagoona xusey in Eng Faysal Cali Waraabe oo kamid ahaa dadkii ka hadlay uusan cafis u baahneyn oo uu yahay nin waalan oo ‘Mar-fucul qalam’ ah oo aan dambi laheyn.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com