Xildhibaan Fiqi: Galmudug waxaa ka dhismaya 2 maamul

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah mudanayaasha golaha shacabka ayaa ka hadlay xaaladda maamulka Galmudug iyo ololaha siyaasadeed ee ka kala socda magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Gaalkacyo.

Fiqi ayaa sheegay in Galmudug ay hadda ku socoto waddo ay ku dhismi karaan laba maamul oo is diidan, haddii uusan tanaasulin Madaxweyne Xaaf.

Sidoo kale wuxuu ku baaqay in loo turo shacabka ku dhaqan gobollada Galgaduud iyo Mudug, si ay u helaan hal maamul oo samata bixin kara.

“Runtii Galmudug waxay ku socotaa waddo ay laba maamul oo isdiidan ku dhismi karaan,hadii uusan tanaasulin Xaaf,waxaana dalbdanayaa in shacabka loo turo oo hal maamul loo dhiso”. ayuu yiri Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan xubnaha golaha shacabka.

Ololihii ugu dambeeyey ee doorashada Galmudug ayaa ka socda gudaha magaalada Dhuusamareeb, kuwaas oo ay hor boodeyso dowladda federaalka, halka Gaalkacyo uu ka socdo olole kale oo uu horkacayo Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle (Xaaf).

Lama oga sida uu xaalku noqon doonaa, balse waxa ay dadka ordosa siyaasadda ka digayaan in laba maamul oo iska soo horjeedo ay ka dhismaan deegaanada Galmudug.