25.6 C
Mogadishu
Thursday, January 1, 2026

Xildhibaan Fiqi iyo Saabir oo kasoo muuqan doono liiska golaha wasiirada Galmudug

Bookmark
Bookmarked

Share

Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Waxaa la filayaa in saacadaha soo socdo uu Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor ku dhawaaqo liiska Golaha Wasiirada Maamulkaas oo ay kasoo muuqan doonaan xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Warar lagu kalsoonaan karo oo ay heshay Caasimadda Online ayaa sheegaya in liiska Wasiirada Galmudug ay kasoo muuqan doonaan  Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi iyo Cabdi Saabir Nuur Shuuriye oo ka mid ahaa xildhibaannadii mucaaradka ee baarlamanka federaalka.

Sida aan xogta ku helnay, Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa loo magacaabi doonaa wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Galmudug, waxaana xusid mudan in Axmed Macalin Fiqi uu horey usoo noqday Agaasimaha Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Soomaaliya ee NISA.

Dhanka kale, Xildhibaan Cabdi Saabir ayaa la filayaa in isna loo magacaabi doono Wasiirka Dekedaha iyo Kheyraadka dowlad goboleedka Galmudug, isagoo qeyb weyn ka qaadan doono dhimsha Dekadda Hobyo oo muhiim u ah Maamulkaas.

Xildhibaanada Mucaaradka  ayaa la rumeysan yahay inay xiriir dhow la leeyihiin Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor oo la sheego inuu yahay madaxweyne fikir ahaan ka madax banaan maamulka Nabad iyo Nolol oo ka shaqeeyey inuu xilkaas qabto.

- Advertisement -

Read more

Local News