Xildhibaan Fiqi oo sheegay in guddoomiye Yariisow laga sugayo xisaab celin

Muqdisho (Caasimada Online) –Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo kamid ah xubnaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa weeraray guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng Yariisow.

Xildhibaan Fiqi ayaa sheegay in guddoomiyaha gobolka Banaadir ay ka sugayaan inuu cadeeyo halka lagu bixiyo canshuurta laga qaado Shacabka magaalada Muqdisho.

Wuxuu sheegay in dadka shacabka ah ee ku sugan magaalada Muqdisho ay dil la kulmaan marka ciidamada ay ka qaadayaan Canshuurta, hadana aan waxba loogu qaban sida uu hadalka u dhigay.

Xildhibaan Fiqi ayaa sidoo kale sheegay inay sugayaan xisaab celinta canshuuraha laga qaado shacabka magaalada Muqdisho.

“Guddoomiyaha Gobolka Banaadir canshuurta dadka MUQDISHO lagu dilo marka ay bixin waayaan, midda la bixiyana waxa lagu qabto aysan muuqan, waxaa laga rabaa In uu caddeeyo xisaabcelinteeda.”

“Dadka Muqdisho la isuguma dari canshuur aan waxba lagu qabanayn iyo xisaab-celin la’aan” ayuu yiri xildhibaan Fiqi.

Shacabka magaalada Muqdisho ayaa bixiya lacagta ugu badan ee Canshuurta dowladda Soomaaliya hesho, waxaana gobolka Banaadir uu yahay gobolka kaliya ee dhaqaalaha uu kasoo galo dowladda Soomaaliya.

Wasaarada maaliyadda ayaa horey u diyaarisay qorshe lacagaha canshuurta ee laga qaado deegaanada dowlad goboleedyada loosoo gacan geliyo dowladda dhexe, balse waxaa muuqata in qorshahaasi uu ka dhaqan geli waayay deegaanada maamul goboleedyada..

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com