Dowladda UK oo cadaadis xooggan ku haysa BIIXI

7Hargeysa (Caasimada Online) ― Dowladda Ingiriiska ayaa ka biyo diidan dibu dhaca soo wajaha doorashooyinka wakiilada iyo Baarlamaanka Somaliland, kuwaasi oo mudo xileedkoodi marhore kasoo idlaaday.

Wasiiru dowlaha Arrimaha dibeda UK Harriett Baldwin oo ka jawaabeysa su’aalo ay weydiiyen xildhibaano kamida Baarlamaanka Ingiriisku, ayaa sheegtay inay jiraan wada-hadal usocda dowlada ingiriiska iyo xukuumada Muuse Biixi oo ku saabsan sidii doorashooyinka wakiilada iyo deegaanka ku qabsoomi lahaayen waqtiga loo qorsheyay ee 12-bisha December ee sanadkan.

Wasiir Harriett ayaa sidoo kale ka hadashay geedi-socodka dimuquraadiyadda Somaliland, waxayna tiri “Ingiriiska waxa ka go’an taageerada geedi socodka dimuqraadiyadeed ee Somaliland, si gaar ah inay doorashooyinku wakhtigooda ku qabsoomaan. Tani waxay qayb muhiim ah ka tahay wada hadalo u socda Xafiiska Ingiriiska ee Hargeysa iyo dawladda Somaliland”.

Waxayna intaas kusii dartay “Horaantii bishan safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya wuxuu la kulmay Madaxweyne Biixiga Somaliland si hoosta looga xariiqo sida loogu baahanyahay in doorashooyinka Baarlamaanka iyo deegaanku ku qabsoomaan wakhtigooda oo ah 12 December 2019”.

“Ingiriisku wuxuu sidoo kale taageero dhinaca khibrada farasmada ah siiyaa guddiga doorashooyinka Somaliland, waxaanu kala shaqaynayaa horumarinta diiwaangelinta cod bixiyayaasha iyo kor u qaadista ka qayb galka haweenka”.

Mrs Harriett ayaa sidoo kale waxay ka hadashay talaabooyin uu Ingiriisku qaadayo oo ku saabsan ilaalinta xuquuqal insaanka Somaliland, waxayna tiri “Ingiriisku wuxuu bixiyaa caawimo balaadhan oo lagu taageerayo xuquuqda bini-aadamka ee Somaliland, Waxaana qayb ka ah in lagala shaqeeyo garsoorka Somaliland in la aasaaso xeer nidaamiye iyo guddi kormeer iyo baadhiseed si loo siiyo tababar sharci oo ku saabsan ilaalinta xuquuqda”.

“Weliba si loo hubiyo in Boolisku ku shaqeynayaan heerarka caalamiga ah ee xuquuqda bini-aadamka iyo in kor loo qaado xaaladaha xabsiyada. Sidoo kale Ingiriisku wuxuu dawladda Somaliland ka taageeraa in la aasaaso xeer nidaamiye saxaafadeed, waxaanay si joogto ah ugala shaqeeyaan ururada bulshada xorriyatul qawlka, xuquuqda haweenka iyo xuquuqda dadka laga tirada badanyahay”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com