Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Xasan Yare oo kamid ah xildhibaanada Golaha Shacabka, kuwooda mucaaradka ah ayaa mar kale maanta buuq ka sameeyay xarunta baarlamaanka, xilli laga doodayay mooshin ay xildhibaannada kasoo jeedo Jubbaland horgeeyeen golaha, kaas oo looga hadlayay xayiraadda saaran Kismaayo.
Xildhibaanka oo hadal ka jeediyay fadhiga maanta ayaa barakacayaal ku tilmaamay xildhibaannada kasoo jeedo Somaliland, arrintaas oo durbo abuurtay caro xooggan.
Xildhibaan Gobsan oo kasoo jeedo Hargeysa ayaa ka daba qaadatay Makarafoonka, waxayna si caro leh ugu jawaabtay xildhibaan Xasan Yare, iyada oo ku goodisay inay la dagaalami doonto cid kasta oo golaha dhexdeeda uga xad-gudubta deegaankeeda.
“Somaliland wax ay ku suntan tahay anaa idin sheegaayo ee labada dhagood furo waxaana kuu sheegayaa aniga iyo adiga farqiga inoo dhexeeyo waxaan ku suntanahay midnimada. Ogow Xasanow Somaliland la’aanteed midnimo kama jireyso Soomaaliya” ayay tiri xildhibaan Gobsan oo si weyn uga carootay hadalka xildhibaanka.
Sidoo kale waxa ay raacisay “Nafar dambe oo san ku neefla ah oo halkan imaada, kuna xadgudba Somaliland dhaar waxaan ku maray inaan shan shan ugu taakeeyo”.
Intaas kadib waxaa hadalka kusoo noqday xildhibaan Xasan Yare oo raalligelin buuxda ka bixiyay hadalka kasoo yeeray ee buuqa ka dhex abuuray Golaha Shacabka.
“Xildhibaannada sharafta leh ee meesha fadhiyo waxaan rabaa hortiina wixii hadal ahaa ee erayga barakac ahaa xildhibaannada qaarkood oo saaxibadey waan ka raalligelinayaa si Public ah” ayuu yiri Xildhibaan Xasan Yare oo mar kale hadalka qaatay.
Horay xildhibaankan ayaa u feeray mid kamid ah saraakiisha Booliska ee ka howlgala xarunta baarlamaanka, kadib markii ay askarta soo dhex-galeen xildhibaannada dhexdooda oo isku qabtay arrimo la xariiray doorashooyinka dalka iyo dastuurka.