26.8 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Xildhibaan Idiris oo arrin halis ku arkay Baydhaba

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Baydhabo (Caasimada Onlne) – Xildhibaan Idiris Cabdi Dhaqtar oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ee laga soo doorto Koofur Galbeed, ayaa si yaableh kaga hadlay hubka tirada badan ee yaala magaalada Baydhabo.

Xildhibaanka ayaa sheegay in hubkaa tirada badan ee dhex yaala magaalada Baydhabo inuu halis ku yahay amaanka magaalada, islamarkaana loo baahan yahay in wax laga qabto.

Wuxuu sheegay in shaqsiyaadka qaar ay heystaan hub badan, kuwaasi oo ka qeyb noqon kara amni xumada magaalada, maadaama aysan qaarkood diiwaan gashaneyn, sida uu hadalka u dhigay.

“Aniga hadda magaalada ayaan dhex degenahay waala yaabay Waxaa arkaysaa nin kaligiis ah oo Toban Dabajeex wato, aniga bilaabaayo Xataa hubka aan haayo waxaan ku wareejinayaa Maamulka KGS Si wadooyinka loo furo”ayuu yiri xildhibaan Idiris.

Wuxuu ku baaqay maamulka Koofur Galbeed inay wax ka qabtaan halista ka imaan karta hubkaa tirada badan ee lagu dhex heysto magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Xildhibaanka ayaa dhankiisa sheegay inuu isaga bilaabayo in hubkiisa uu ku wareejiyo maamulka Koofur Galbeed, wuxuuna ugu baaqay xubnaha kale ee hubka heysta inay iyagana sidaasi oo kale ay sameeyaan.

Caasimada Online
Xafiiska K/Galbeed
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News