25.6 C
Mogadishu
Friday, October 24, 2025

Xildhibaan ka carooday arrin ka taagan Gedo oo mooshin ka abaabulaya Xamza

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Ismaaciil Ciid oo ka tirsan golaha shacabka ayaa baarlamaanka Soomaaliya ka dalbaday in la keeno mooshin xilka looga qaadayo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, isagoo sheegay in abaabulka mooshinkaas uu hoggaami doono.

Xildhibaanka ayaa sheegay inuu ka carooday dagaal beeleed ka taagan degmada Luuq ee gobolka Gedo, kaas oo uu sheegay in xukuumadda ra’iisul wasaare Xamsa ay dhegaha ka fureysatay, isna uu doorbidayo in mooshin uu ka abaabulo.

Hoos ka aqriso qoraalka Xildhibaanka oo dhameystiran:

Waxaan halkaan rabaa in aan umadda Soomaaliyeed si guud ula wadaago dagaal in muddo ah ka aloosnaa degmadda Luuq ee Gobolka Gedo, una dhaxeeyey labo beelood oo deegaanka wada dega oo xalintiisa dadaalo badan ku bixiyey, hase ahaatee ka quustey, kadib markii dowladda federaalka Soomaaliya laga waayay in nabadaynta qayb ka noqdaan, waxaana isoo baxday xukuumada hada joogta inaan dalka iyo dadka u sinayn.

Haddaba anigoo ka mid ah xildhibaanada Golaha Shacabka Barlamaanka 11aad ee kursiga tirsigiisu yahay #hop275, isla markaasna ku metela dhinaca kale ee raadinaayey xal nabadeed, waxaan bulshada Soomaaliyeed si guud ah si gaar ah ugu sheegayaa inaan ka quustey, isla markaasna lumisey kalsoonida bulshada aan siyaasadda ku metalo.

Sidaas darteed, Anigoo fulinaya dareenka dadka aan matalo waxaan mooshin la xisaabtan iyo kalsooni kala noqosho ah ka keenayaa Xukuumada aan dalka iyo deegaanka u sinayn, si dalka u helo xukuumad dadka Sooamaaliyeed midnimadooda ka shaqaysa, una wada adeegta.

Ugu dambeyntii, maadaama Xukuumadda ay ku fashilantay joojinta dagaalada beelaha walaalaha ah, kana leexatey barnaamijkeedii siyaasadeed ee barlamaanku codka kalsoonida ku siiney, waxaan xildhibaanada Golaha Shacabka ugu baaqayaa in si degdeg xukuumadda loo horkeeno Golaha Shacabka lagana keeno Mooshin kalsooni kala noqosho ah.

- Advertisement -

Read more

Local News