Xildhibaan ka tirsan BF oo lagu weeraray Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar xalay lagu qaaday hoyga xildhibaan ka tirsan baarlamaanka 11-aad ee dalka, kaas oo loo adeegsaday bam-gacmeed, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha ammaanka.

Weerarka ayaa ka dhacay xaafadda Taleex ee degmada Hodan, waxaana lagu beegsaday guriga xildhibaan Jibriil Cabdirashiid Xaaji oo ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka ka soo galay dhanka Jubbaland, kaas oo laga soo doortey degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Sida ay ogaatay Caasimada Online xildhibaanka ayaa weerarka ka bad-baaday, balse waxa ay dhaawacyo soo gaareen qaar ka mid ah ilaaladiisa, kuwaas oo oo la geeyey goobaha caafimaadka ee magaalada Muqdisho oo haatan lagu dabiibayo xaaladdooda caafimaad.

Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in ragga weerarka qaaday ee bambada ku tuuray guriga xildhibaanka ay goobta isaga baxsadeen, inta aysan soo gaarin ciidanka amniga.

Sidoo kale waxaa meesha tegay ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka, gaar ahaan Booliska degmada Hodan oo uu horkacayey taliyaha saldhigga degmadaas, Xuseen Cad-Ceed, waxayna baaritaano ka sameeyeen Taleex, si loo soo qabto raggii geystay falkaasi.

Waa weerarkii labaad oo 24 saac gudaheed ka dhacaya Hodan waxaana habeen weerar kan la mid ah oo loo adeegsaday bamba gacmeed lagu qaaday sadhigga booliska degmadaasi.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, sida qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo badankood ay sheegatay kooxda Al-Shabaab.

Si kastaba, arrimahaan oo idil ayaa kusoo aadayo, iyada oo dhinaca kale laamaha ammaanka Soomaaliya ay howlgallo ballaaran ka wadaan degmooyinka gobolka Banaadir.