Sidee ayaa loo fuliyey dilkii xildhibaan Cismaan Boqore?

Muqdisho (Caasimada Online) – Alle ha u naxariistee Gelinkii dambe ee maanta xildhibaan ka tirsan baarlamaanka ayaa kooxo hubeysan waxay ku dileen degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa qaabka kooxaha hubeysan ay u dileen xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore oo kamid ah xildhibaanada golaha shacabka gaar ahaan guddiga difaaca Baarlamaanka.

Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore ayaa mar soo noqday guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka, waxaana sanadkii 2005 lagu dilay magaalada Muqdisho wiil uu dhalay, iyadoo maanta isagana lagu dilay magaalada Mqudisho.

Xildhibaanka wuxuu kaga duwanaa xildhibaanada kale ee baarlamaanka wuxuu deganaa muddooyinkii ugu dambeeyay degmada Kaaraan oo ah dhanka waqooyi ee magaalada, waxaana la sheegay in kooxaha dilka geystay inay rasaas xoogan ku fureen xildhibaanka, kadibna ay goobta ka baxsadeen.

Kooxaha Hubeysan ayaa la sheegay inay wateen gaari yar, kaasi oo u suura galiyay inay dhaqso kaga baxaan goobta, waxaana kadib goobta gaaray ciidamo ka tirsan booliska degmada.

DHawaan degmada Kaaraan waxaa la geeyay ciidamadii ugu badnaa oo kamid  ah boolis tababar ku qaatay magaalada Muqdisho, waxaana loo qorsheeyay inay wax ka qabtaan amaanka degmada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com