28.1 C
Mogadishu
Monday, April 13, 2026

Xildhibaan lagu dhaawacay bartamaha Nairobi

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helaayo Magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya ayaa sheegaya in Rag hubeysnaa ay halkaasi ku dhaawaceen mid kamida xildhibaanada Baarlamaanka Kenya.

Xiliga la weeraraayay Xildhibaanka ayaa la sheegayaa inuu kusii jeeday hooyga uu Nairobi ka degnaa, iyadoona dhaawaca kadib ay halkaasi ka baxsadeen kooxihii falka geystay oo ku hubeysnaa Bastoolado, sida ay soo warinayaan dad goobjoogayaal ahaa.

Xildhibaanka la dhaawacay ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Edick Anyanga.

Booliska ayaa wada baaritaan iyadoo wali aysan u suuragalin in ay cid u qabtaan Weerarkaasi.

Dhanka kale, Dhaawaca xildhibaanka ayaa kusoo beegmaaya, iyadoo Kooxo hubeysnaa ay Bartamaha Magaalada Nairobi ku dileen George Muchai oo ka tirsanaa Barlamanka Kenya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News