Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa ka taagan xaalad quus ah, taas oo salka ku haysa barakicinta dadkii soo naf bidday caasimada, kuwaas oo si arxan-darro iyo naxariis la’aan ah looga barakicinayo halkii ay ku noolaayeen, sida uu shaaciyay Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.
Warsame oo sidoo kale ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka, ahna hoggaamiyaha xisbiga Wadajirka ayaa sheegay in dhulkii ay deganaayeen barakacayaasha usoo cararay Muqdisho laga iibinayo ganacsato, isla markaana lagu laaluushayo siyaasiyiin, xildhibaanno iyo shaqsiyaad kale.
“Magaalada Muqdisho waa halka ay soo maciinsadaan danyarta iyo dadka kasoo barakaca dagaalka argagexisada, colaadaha beelaha iyo iyo masiibooyinka la xiriira isbedelka cimilada ee abaaraha iyo fatahaadaha, waxaana ku nool ku dhowaad hal milyan oo barakacayaal ah,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.
Sidoo kale waxa uu sheegay in lacagta lagu iibiyo dhulkaan laga kicinayo barakacayaashii usoo nolol doontay caasimadda ay ku dhacayso jeebka madaxda sare ee dowladda.
“Danyarta cooshashkooda baldoosarka la dulmariyey ee iyagoo ilmaynaya Alle u dansheeganaya, ma xusi doonaana oo keli ah kuwa dulmiyey ee waxay xusuusan doonaan kuwa ka aamusay,” ayuu yiri.
Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran:
Magaalada Muqdisho waa halka ay soo maciinsadaan danyarta iyo dadka kasoo barakaca dagaalka argagexisada, colaadaha beelaha iyo iyo masiibooyinka la xiriira isbedelka cimilada ee abaaraha iyo fatahaadaha, waxaana ku nool ku dhowaad hal milyan oo barakacayaal ah.
Si arxan-darro iyo naxariis la’aan ah ayaa dadkaas looga barakiciyaa halkii ay ku noolaayeen, iyadoo dhulkii ay deganaayeen laga iibanayo ganacsato, lagu laaluushayo siyaasiyiin, lacagtuna ay ku dhacayso jeebka madaxda sare ee dowladda. Baarlamaankii, hay’adihii garsoorka ee gacanta qaban lahaa Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisana waa la dhufaanay.
Warbaahinta, culimada iyo bulshadii rayadka waxaa u fudud in ay Gaza ka hadlaan, taasoo xaq ah, laakiin barakicinta Muqdisho waa ka aamusanyihiin.
Ilaaheey wuxuu quraankiisa inooga digay in aan ka dhowrsano fitnada aan ku ekaan doonin kuwa gaboodfalka gaystay.
Danyarta cooshashkooda baldoosarka la dulmariyey ee iyagoo ilmaynaya Alle u dansheeganaya, ma xusi doonaana oo keli ah kuwa dulmiyey ee waxay xusuusan doonaan kuwa ka aamusay.
Awood sheegashadka iyo barakicinta kuwa nugul, waxaa ka dhalanaya tabasho iyo hurgumooyin ay ka faa’iidaysanayaan argagagexisada.