Maxaa ka jira in la afduubtay xildhibaan ku soo baxay doorashadii Somaliland?

Hargeysa (Caasimada Online) – Caaqil Maxamed Cabdikariin Aadan oo ka mid ah waxgaradka Berbera ayaa sheegay in muddo 5 cisho ah la’yahay meel uu jaan iyo cirib dhigay xildhibaan Nuur Cabdi Jaamac (Nuur Cadde) oo kusoo baxay doorashadii deegaanka ee magaaladaasi.

Caaqil Maxamed ayaa shaaca ka qaaday in loo maleynayo in la afduubtay xildhibaan Nuur Cadde, isaga oo ugu baaqay madaxda Somaliland inay qeyb qaataan raadintiisa.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in muran siyaasadeed uu ka dhashay doorashadii ka dhacay Berbera, taas oo uu kusoo baxay mudanaha uu sheegay in la waayey.

Dhinaca kale xildhibaan Nuur Cabdi Jaamac (Nuur Cadde) oo soo hadlay ayaa beeniyey wararka laga faafiyey, wuxuuna sheegay inuu nabad qabo, kuna sugan yahay gurigiisa.

Nuur Cadde ayaa sidoo kale tilmaamay inuu u tartamayo xilka maayar ku xigeenka duqa magaalada Berbera.

“Waxaan ku suganahay gurigeyga, waxaana u tartamayaa jagada maayar ku xigeenka duqa magaalada Bebera,” ayuu yiri xildhibaan Nuur Cadde.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka ee Somaliland oo ku aadan arrinta xildhibaankaasi.

Si kastaba dhowaan ayey aheyd markii doorasho loo galay tartan adag oo isugu jirtay golaha deegaanka iyo golaha wakiilada ay ka dhacday lixda gobol ee Somaliland.