Xildhibaan lacag 11 kun oo dollar u haysta R/W Rooble

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Idiris Cabdi Dhaqtar oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ee waqtigiisu dhamaaday ayaa sheegay in uu dacwo ka yahay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Idiris ayaa sheegay in uu Rooble ka rabo lacag dhan 11 kun oo dollar, taasi oo uu ku shubay xisaab-bankiyeedka Guddiga SEIT ee Koonfur Galbeed, si uu uga mid noqdo musharaxiinta Golaha Shacabka.

Lacagta uu Idiris ku dacwoonayo, kana rabo Rooble ayaa waxa uu shubay 23-kii bishii November ee sanadkii hore 2021-ka.

Idiris ayaa qoraal kooban oo uu soo saaray ku sheegay in uu lacagta 11 kun ee dollar ah uu ka doonayo Rooble, maadama uu masuul ka yahay guddiyada FEIT iyo SEIT ee gacanta ku haya doorashooyinka dalka.

Sababta u weyn ee uu xiligaan lacagta u dalbanayo ayuu ku sheegay kadib markii loo diiday shahaadadii musharaxnimo, taasi oo markale uu iskugu soo taagi lahaa kamid noqoshada Baarlamaanka Soomaaliya.

“Raysal Wasaare Rooble ayaa ka masuul ah FEIT iyo Seti iyo dhamaan doorashada dalka. Rooble lacagta 11 kun ayaa kaa rabaa, waayo lacagta markaan shubey shahaadadii ayaa la ii diiday. Xafiiskaaga uma shaqeynayo xafiis masuuliyadeed, Farmaajo u shaqeysaa. Lacagteyda isii Account-ga dowlada dhex ku jirta,” ayuu Idiris ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook, kaasi oo uu soo raaciyay cadeymaha lacagta uu ku bixiyay.

Hoos ka eeg document-yada uu soo bandhigay;