Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya oo sheegay arrin ka go’an inay sameeyaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Larry André ayaa sheegay inay dawladda Maraykanka ka go’an tahay inay taageeraan dib usoo noolaynta Soomaaliya deggan, nabad ah, islamarkaana dimoqraadi ah.

Safiirka ayaa u sheegay idaacadda VOA in Maraykanku yahay deeq bixiyaha ugu weyn ee Soomaaliya ka gargaara dhinacyada bani’aadminnimada, amniga iyo horumarinta.

Danjire Larry André waxaa kale oo uu idaacadda VOA u sheegay in Maraykanka ay ka go’an tahay taageerista xorriyadda saxaafadda guud ahana caalamka. Waxa uu sheegay in suxufiyiinta oo la siiyo tababar, iyo in la difaaco xuquuqda hadalka ee Soomaaliya inay ka mid tahay waxyaabaha safka hore ku jira ee ay mudnaanta siinayaan.

Mareykanka waxay horey u qaadeen tallaabooyin ay ku qasbayaan in doorashada Soomaaliya loo soo geba-gebeeyey si deg deg ah.

Washington waxay ballaarisay liiska shaqsiyaadka Soomaalida ee lagu soo rogay xayiraadaha dal-ku-galka (Visa), sababo la xiriria dib u dhaca mar kale ku yimid in lasoo geba-gebeeyo doorashada golaha shacabka.

“Kadib guul-darradii dowladda Soomaaliya ee aheyd inay kasoo baxdo waqtiga ay isku u qabsatay ee 15-ka March inay kusoo geba-gebeyso hanaanka doorashada baarlamanka, dowladda Mareykanka waxay ballaarineysaa liiska shaqsiyaadka Soomaalida ee la saaray xayiraadaha Visa,” waxaa sidaas war-saxaafadeed uu soo saaray ku yiri xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Antony Blinken.

“Waxaan qaadayaa tallaabadan aniga oo raacaya siyaasaddii aan ku dhawaaqay 8-dii Febraayo, ayada oo la raacayo Qeybta 212(a)(3)(C) ee sharciga socdaalka iyo jinsiyadda, si aan u xaddido bixinta Visa-ha ee kuwa la rumeysan yahay inay mas’uul ka yihiin, ama qeyb ka yihiin carqaladeynta hannaanka dimoqraadiyadda Soomaaliya.”

Sidoo horeba, Blinken ma shaacin shaqsiyaadka cusub ee lagu daray liiska xayiraadaha. Waxaa la rumeysan yahay in shaqsiyaadkaas ay is ogaan doonaan kaliya marka ay dalbadaan Visa Mareykan ah.

Danjiraha ayaa 7-dii bishii Febraayo ee aynu soo dhaafnay waraaqihiisa dnajirennimo u gudbiyey madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Aqalka Senate-ka Maraykanka ayaa 18-kii December ansixiyay in Larry Edward André, Jr. uu noqdo safiirka Maraykanka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna beddelay danjire Donald Yamamoto oo xilkaasi hayay tan iyo bishii October ee 2018.

Madaxweyne Joe Biden ayaa bishii April 2021 magacaabay Larry André Jr, oo ah ruug caddaa muddo badan kasoo shaqeynayay diblomaasiyadda. André ayaa hore u ahaa safiirka Maraykanka ee Jabuuti intii u dhaxeysay Noofembar 2017 illaa Jannaayo 2021, isaga oo 2014 kii ilaa 2017 soo noqday safiirkii Maraykanka ee dalka Mauritania.