Midowga Musharaxiinta oo guddiga FEIT la dalbaday dhaqan-gelinta go’aankii…

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubno kamid ah Midowga Musharaxiinta ayaa maanta magaaalada Muqdisho kulan kula qaatay Guddiga doorashooyinka heer federaal, xili ay gaba-gabo mareyso doorashada Golaha Shacabka.

Guddiga FEIT oo uu horkacayey Muuse Geelle Yuusuf iyo Xubnaha Midowga Musharaxiinta uga qeyb-galay kulankaasi oo kala ahaa; Xasan Sheekh Maxamuud, Shariif Sheekh Axmed, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo Xasan Cali Kheyre, ayaa looga hadlay arrimaha doorashooyinka dalka.

Kulanka labada dhinac ayaa diirada lagu saaray laba qodob oo kala ah:

1- Dedejinta dhameystirka doorashooyinka, ayada oo Midowga Musharaxiinta ay dalbadeen in la dhaqan-geliyo jadwalka doorasho ee uu soo saaray guddiga FEIT, oo dhigaya in xildhibaanada cusub la dhaariyo 14-ka April.

2- Iyo xal u helida caqabadaha weli haysta dhamaystirka doorashooyinka, oo mar kale dib uga dhacay waqtigii loo qabtay oo ahaa 15-ka Maarso.

Midowga Musharaxiinta ayaa guddiga FEIT u sheegay inay ka go’an tahay in la dedeji doorashada, si dalka looga saaro firaaqa dastuuriga, loona helo hoggaan iyo hay’ado sharci ah.

Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa dhawaan si weyn u taageeray jadwalka cusub ee uu soo saaray Guddiga doorashooyinka heer federaal, kaasi oo dhigaya in 14-ka bisha April la dhaariyo xildhibaanada cusub ee labada aqal.

Golaha ayaa sheegay in dib u dhaca iyo daahitaanka sanad ka badan ee doorashooyinka dalka ay sababtay firaaq dastuuri ah iyo halis ku timaada sharciyada iyo weliba jiritaanka hay’adaha dastuuriga ah.

Sidoo kale waxa uu hore uga digay Goluhu fara-gelinta maamulada ee dhameystirka doorashooyinka dalka, ayaga oo cadeeyay in kaalinta dowlad goboleedyada ay ku eg-tahay fududeynta doorashootinka ee deeganadooda, kadib markii jadwalka guddiga FEIT ka hor-yimaadeen maamulada Koonfur Galbeed iyo Galmudug.