Xildhibaan Rayte oo ka hadlay xariga xildhibaan Dhakool

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xildhibaan Ibraahim Jaamac Cali “Rayte” oo kamid ah xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa maanta ka hadlay khilaafka mudada badan u dhaxeeya xisbiyada ee arrimaha doorashooyinka Somaliland.

Xildhibaan Rayte ayaa sheegay in xal waara laga gaari karo khilaafka doorashada haddii ay isku tanaasul sameeyaan saddexda xisbi qaran.

Rayte ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay xariga Xildhibaan dhakool oo xukuumada Muuse Biixi u xiran muddo ka badan labo todobaad, wuxuuna yiri.

“Ma arko in muran weyn oo dhexyaala Xisbiyada ee waxaa la isku hayo waa wax laga wada heshiin karo, aniguna waxaan qabaa in miiska wada hadalka dib loogu soo noqdo, oo qolo waliba intii ay tanaasul samayn karto inay sameeyso, laakiin haddii aanu tanaasul iman oo aan lagu talagalin tanaasul, micno ma leh wada-hadalka iyo wada fadhiisadku”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Xildhibaanku dambi wuu gali kara, qof kasta oo dambi galana in sharciga la hor geeya waa arin jirta, dalkuna sharci buu leeyahay ee haddii uu Xildhibaanku dambi galo, dariiq loo maro ayuu leeyahay, aniga waxay igu muuqata dariiqii loo mari lahaa inaan loo marin, intii Dastuurku jideeyey si ka baydhsan baa loo maray, Golaha ayey u taala wuxuu ka yeelayo”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com