Xildhibaan Sakariye oo hal sabab walaac uga muujiyey heshiiskii Farmaajo iyo Uhuru

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Sakariye Maxamuud Xaaji oo ka mid ah mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay arrimo ku aadan heshiiskii ay dhowaan Madaxweynayaasha dalalka Soomaaliya iyo Kenya ku gaareen gudaha magaalada Nairobi ee Caasimada dalka Kenya.

Xildhibaan Sakariye ayaa sheegay inuu walaac xoogan ka qabo heshiiskaasi iyo kulankii dhexmaray Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa Uhuru Kenyatta.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dowladda federaalka ah ee Soomaliya aysan weli  soo bandhigin rasmiyan waxa uu ku qotomo heshiiskaasi oo lagu soo aadiyey, xilli labada dal ay u dhexeyso xiisad ka dhalatay muranka Badda ee labada dowladood.

Sakariye ayaa intaasi ku daray in shacabka Soomaaliyeed ay xaq u leeyihiin inay ogaadaan heshiiskaasi iyo waxyaabihii ka soo baxay kulanka labada dhinac.

“Waxaan maqleynay in kulanka looga hadlay xiriirka labada dal iyo in Viisaha loo fasaxay,waxaas waa wixii horay looga hadli jiray waaye Viisana kama rabno ee dowladda dadka ha u cadeyso wixii rasmi ah oo ay ka wada hadleen labada Madaxweyne.” ayuu yiri, Xildhibaan Sakariye oo ka mid ah golaha shacabka.

Ugu dambeyn waxa uu uga digay madaxda sae ee Villa Soomaaliya in aysan ku dhicin dabin uu sheegay inay damacsan tahay Kenya, wuxuuna ka dalbaday inay runta iyo xaaladda jirto la wadaagaan guud ahaan Ummadda Soomaliyeed.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo dhowaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya ay heshiis Diplumaasiyeed oo lagu sheegay xoojinta xiriirka labada dal ay ku yeesheen Madaxweynayaasha labada dal gudaha magaalada Caasimada ah ee Nairobi.