Shirkadda diyaaradaha ee Africa oo duulimaad toos ah ka bilowday Muqdisho iyo Baraawe (Daawo Sawirro)

Shirkadda Duulimaadyada Diyaaradaha ee Africa ayaa bilowday duulimaad toos ah oo ay ku tegeyso magaalada Baraawe ee gobolka Shabelaha Hoose.

Diyaarad sidey mas’uuliyiin iyo rakaab ayaa gaartay magaalada xeebta ku taal ee Baraawe iyadoo ay ahayd markii ugu horeysay ee duulimaad toos ah laga bilaabo labada magaalo ee Muqdisho iyo Baraawe.

Maamulka Shirkadda Duulimaadyada Diyaaradaha ee Africa Airways ayaa sheegay in duulimaadyada shirkadda ay ka faa’ideysan doonaan ganacsatada,Xujeeyda,Bulshada iyo dadka qurbajoogta ah ee daneeynaya inay tagaan magaalada Baraawe Ee Xarunta Dowlad Goboleedka KoofurGalbeed.

Shacabka ku nool degmada Baraawe oo ah caasimada rasmiga ah ee maamul goboleedka Koofurgalbeed ayaa soo dhoweeyay duulimaadyadan.

Duulimaadkaan ay bilawday Shirkadda Duulimaadyada Diyaaradaha Africa Airways ayaa Imaanayo xili dib u dhis uu ka socdo Degmada Baraawe ee gobolka Sh/hoose.