Xildhibaan shaaca ka qaaday mas’uuliyiin ku lug leh fashilka dagaalka Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Cumar (Caana-nuug) oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa ka hadlay arrimo ku aadan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, deegaanadii ay ciidamada kasoo baxeen ee ku yaalla gobolka Mudug.

Xaaladdaan ayaa gilgishay halgankii dalka looga xoreynayey Khawaarijta ee labada sano soo socday, waxayna dad badan ka niyad jabeen sida ay wax u socdaan, eedda ugu badan waxay dul hoganeysaa taliska ciidanka xoogga dalka.

Xildhibaanka oo wareysi siiyay Telefishinka Soomaali Cable ayaa tilmaamay in soo bixista ciidamada ee furimaha hore ay ka dambeyso siyaasad, isla markaana laga shaqeynayo in la filayo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

“Ciidamada waa laga shaqeynayaa inay furimaha kasoo baxaan dadaa inay dhiigooda kursi ku helaa  rabo, laakiin ma helayaan ilaahey idamkiis, meelahoodiina waa ka noqonayaan, dalkana waa la xoreynayaa,” ayuu wareysigan ku yiri xildhibaan Caana-nuug.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Sida wax loo sheegaayo maahinee buun buuninta ayaa aad ugu badab, dad ayaa ka dhex raadinaayo dano gaar ah”.

Caana-nuug oo hadalkiisa sii wata ayaa eeddeyntan si gaar ah ugu jeediyay mucaaradka, gaar ahaan madaxdii hore ee dalka oo si weyn ay haatan isugu hayaan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

“Madax hore oo dalkan soo xukuntay ayaa nacfi ka raadinaya dastuurka iyo furimaha, waxaana jira kuwa yar oo iyaga la shaqeynayo, balse waxba lagama weydiinayo horumarka socda” ayuu mar kale yiri xildhibaanku.

Si kastaba, halgankii ka socday Galmudug ayaa hadda u muuqda mid u dhamaaday olole doorasho, koox taageersan Taliyaha NISA Mahad Salaad oo madaxweynaha Galmudug u hanqal taagaya ayaa Madaxweyne Qoor Qoor ku eedeyneysa inuu ka dambeeyo bixitaanka ciidanka, iyagoo sheegaya in madaxweynuhu uu ka shaqeynayo in lasoo baneeyo deegaano horleh.