Tuhunka cidda soo gudbisa qaraxyada oo sii xoogeystay iyo Cosoble oo shaaciyay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib weerarkii tooska ah ee ay habeen kahor Al-Shabaab ku galeen hoteelka SYL ee magaalada Muqdisho ayaa dhaliyay tuhun oo aad u wayn oo ka dhashay sida ay ku gaareen hoteelkaas oo aad ugu dhow madaxtooyada, ayna ka sugayaan koontaroolo ay joogaan ciidanka ammaanka, laguna hubiyo gawaarida.

Madaxweynihii hore ee HirShabelle, Cali Cabdullahi Cosoble oo qoraal xasaasi ah soo saaray ayaa shaaca ka qaaday inay iska cadahay in la gudbiyo qaraxyada, isaga oo sheegay in saraakiisha ay amar ku siiyaan askariga taleefoon, taasna ay tahay waxa Al-Shabaab u sahla weeraradooda iyo qaraxyada.

“Qaraxa waxaa in la gudbiyo ka shaqeeyo saraakiil taleefan ku amarta askariga la rabo inuu amniga ilaaliyo” ayuu yiri Cali Cosoble oo talo usoo jeediyay madaxweynaha iyo saraakiisha hay’adaha amniga dowladda.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “War maaha in maalin walba sidii xoolihii la iska daba wareego oo la yirahdo see ku soo gudbay iyo yaa soo daayay”.

Hoose ka akhriso qoraalka oo dhammeystiran:-

Talo ku socota Taliyeyaasha Ciidamada iyo Madaxweynaha Soomaaliya.

Talada naga qaata ama suga inta ay gaalo sidaan idinka dhaheyso.

Qaraxa waxaa in la gudbiyo ka shaqeeyo saraakiil taleefan ku amarta askariga la rabo inuu amniga ilaaliyo.

Dunida dhamaanteed askariga amniga qaabilsan lama siin karo amar ah qofkaa sii daa iyo gaarigaas gudbi. Saacadda uu shaqada ku jiro wuxuu qabaa amar buuxa oo aan waxba laga beddeli karin.

Askariga waxaa laga rabaa inuusan qaadan amar ah sharciga jebi, weliba waa inuu iclaamiyo sarkaalka raba in sharciga la jebiyo.

War maaha in maalin walba sidii xoolihii la iska daba wareego oo la yirahdo see ku soo gudbay iyo yaa soo daayay.

Waxaa i heyso inaan hey’adaha UNka u qaabilsan amniga u gudbiyo farriintaan kana codsado iney idinla wadaagaan maadaama aad aaminsan tihiin in eynaan waxba ogeyn dalkana talo ku laheyn.