Daawo: Sufyaan TAAKEEYE oo maanta kasoo muuqday maxkamadda ciidamada

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta Maxkamadda Darakada Koowaad ee ciidamada qalabka sida la horgeeyay Sufyaan Sheekh Axmed (Taakeeye) oo horay looga soo qabtay dalka Kenya.

Ninkan ayaa muddo u xirnaa Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA, waxaana ugu dambeyn maanta uu kasoo muuqday Maxkamadda Ciidamada.

Sufyaan Taakeeye oo ku caan baxay afar xaasle ayaa caan ka ahaa baraha bulshada, kahor inta uusan soo gelin gacanta dowladda federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa loo haystaa faafinta fikirka xagjirnimada ee argagixisada iyo marin habaabinta dadka.

Haddii lagu helo dambigan ayaa Taakeeye wuxuu muteysan doonaa xukun adag, gaar ahaan xabsi aad u dheer oo ay ku riddo Maxkamadda Ciidamada ee Soomaaliya.

Waxaa bishii October ee sanadkii hore laga soo qabtay ninkan magaalada Nairobi oo uu daganaa, isla-markaana laga soo dajiyay magaalada Muqdisho, kadib markii ay soo qabashadiisa iska kaashadeen sirdoonada waddamada Kenya iyo Soomaaliya.

Waa ninkii labaad oo ay Kenya kaoso qabato Hay’adda NISA, waxaana Taakeeye ka horreeyay Sakariye Kamaal Suufi Abba-Sheekh (Saki) oo isna loo haysto inuu Al-Shabaab hubka uga soo iibin jiray dalka dibaddiisa, gaar ahaan waddanka Shiinaha.