Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Cali Cumar (Caananuug) oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa shaaciyay xog culus oo ku saabsan ciidamo uu sheegay in haatan lagu diyaarinayo duleedka Muqdisho.
Xildhibaanka ayaa sheegay inuu hayo xog sugan oo uu ka xaqiijiyay dhinacyo kala duwan, taas oo sheegeysa in illaa 3,500 oo askari haatan lagu diyaarinayo duleedka waqooyi ee caasimada, isla markaana la doonayo in loo adeegsado dano siyaasadeed oo gaar an.
“Waxaa bannaanka usoo baxay xogo sugan oo aan ka xaqiijiyay ilo wareedyo la’isku halayn karo, taas oo muujineyso in duleedka waqooyi ee magaalada Muqdisho lagu diyaarinayo ciidamo gaaraya SADDEX KUN IYO SHAN BOQOL oo askari, kuwaas oo la doonayo in loo adeegsado wax ka baxsan waajibaadka sharciga ah” ayuu yiri Xildhibaan Caananuug.
Caananuug ayaa sidoo kale xogta uu soo bandhigay ku sheegay in arrintan uu ku lug leeyahay Madaxweyne Xasan Sheekh, uuna doonayo inuu awood ciidan ku maquuniyo mucaaradka kasoo horjeedo, maadaama lagu jiro marxalad adag oo siyaasadeed.
“Sida aan xogta ku helay waxaa muuqata in MW Xasan Sheekh Maxamuud uu isku diyaarinayo si uu awood ciidan ugu adeegsado siyaasiyiinta mucaaradka ah, maadaama muddo xileedkiisa ay bilo kooban ka harsanyihiin” ayuu sii raaciyay Xildhibaanku.
Waxaa kale oo uu farriin u diray siyaasiyiinta mucaaradka iyo bulshada rayidka ah, isaga oo ugu baaqay inay la socdaan “isku dayga hubeysan” ee laga abaabulayo duleedka Muqdisho.
“MADASHA SAMATABIXINTA SOOMAALIYEED iyo bulshada rayidka ah waxaa looga baahanyahay inay si gaar ah isha ugu hayaan dhaqdhaqaaqan gurracan ee halista ku ah xasiloonida, nabadda iyo dowladnimada” ayuu mar kale qoraalkiisa ku yiri xildhibaanka
Ugu dambeyn wuxuu warqadda uu soo saaray xildhibaanka farriin culus ugu diray dalalka taageera Soomaaliya, isaga oo ka codsaday inay ka hortagaan in hubka loogu talagalay la dagaallanka argagixisada loo adeegsado dano siyaasadeed iyo ujeedooyin kale oo gaar ah.