25 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Xildhibaan sheegay in Ethiopia qalad laga galay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Cadaado (Caasimada Online) – Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa sheegay in maamulka Galmudug uu xad gudub ku sameeyay xuduuda dowlada Ethiopia uu la wadaago deegaanada Galmudug gaar ahaan gobolka Galgaduud.

Xildhibaan Maxamed Xasan Geelle, oo kamid ah baarlamaanka Galmudug ayaa sheegay in Galmudug ay leedahay eeda waxyeeladii ka dhalatay dhanka xuduuda, islamarkaana ay ka gaabisay wax ka qabashada dhibaatadii iyo xiisadii ka taagneyd dhanka xuduuda.

Maxamed Geelle, ayaa sheegay in marka hore ay soo dhaweynayaan hishiiskii ka dhacay magaalada Jigjiga, laakiin la doonayay mar horee in Galmudug hishiiskaasi la gasho dowlada Ethiopia.

Wuxuu sheegay in Xad gudub xuduudeed oo ay sameeyeen xubno ka tirsan Galmudug ay sabab u ahaayeen waxii dhacay, wuxuuna sheegay in Ethiopia ay tahay dowlad awood leh oo la doonayay in mar horaa lala hishiiyo.

In xadgudubka xuduudeed ay Galmudug sameysay taas oo ka dhalatay in wasiirro Galmudug ah ay tageen deegaan aysan gacan ku hayntiisa dowlad goboleedka Galmudug aysan lahayn, markaana ay Astaamihii Galmudug ka muujiyeen, taasina ay tahay midda soo dedejisay caradii qarsooneyd ee Itoobiya heshiis la’aantana ay ka qabeen oo jawaab degdeg ah ay ka bixiso, dhibaataduna ay ka dhalatay”.

Ugu dambeyn, Dowladda Itoobiya iyo maamul Goboleedka Galmudug ayaa heshiis ku kala saxiixday magaalada Jigjiga ee xarunta Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya 3.05.2016, kaas oo lagu soo afjaray dagaallo uu dhiig badani ku daatay oo u dhexeeyay labadan dhinac.

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News