Xildhibaan ka tirsan BF oo arrin xun lagula kacay

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiye ku xigeenka gudiga arimaha dibada ee baarlamaanka Maxamed Cumar Dalxa ayaa runta ka sheegay cidda xasaanada xildhibaanada ku xad gudubtay waxii ka dambeeyay qaraxii ka dhacay diyaarada Daallo.

Xildhibaanka ayaa su’aal muhiim ah weydiiyay wasiirka amniga xukuumada Soomaaliya, isaga oo sheegay in dowlada looga baahan yahay iney kala cadeyso awoodaha ay kala leeyihiin Sarkaalka dowlada iyo askariga ciidamada AMISOM.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale sheegay in saraakiisha ciidamada dowlada aysan aheyn cidda ku xad gudubtay xasaanada xildhibaanada ay leeyihiin balse askarta AMISOM ay sameeyaan xad gudubka.

“Amniga iyo xasaanadeena ilaalintiisa AMISOM oo ka tun weyn Generaalka Soomaaliyeed ayaa hortaagan, waxaa dhacda in Generaalka Soomaaliyeed oo ku fasaxay uu ku celiyo askari AMISOM ah”ayuu yiri Dalxa.

“marka yaa awood badan askariga AMISOM iyo Generaalka Soomaaliyeed, waa in arimahaasi la kala cadeeyaa ee maaha in hal meel oo kaliya afka la wada aadiyo”ayuu hadalkiisa kusii daray xildhibaan Dalxa.

Askariga AMISOM ayuu sheegay in si aan wanaagsaneen ula dhaqmaan shacabka Soomaaliyeed, sadaasi daraadeedna loo baahan yahay in dowlada Soomaaliya ay cadeyso awoodaha AMISOM iyo saraakiisha ciidamada kala  leeyihiin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com